CIID MUBAARAK



 

      

Magaalada Dh/buur ee Xarunta Maamulka Gobolka Jarar oo Maanta si Wayn looga Xusay 24 Guurada maalinta Xuska 20 Ginboot.

 Dh/buur(CN) Jimce May 29. Waxaa maanta si wayn looga xusay magaalada dh/buur xuska maalinta Qiimaha badan ee 24 guurada ginbot 20. Waxaa isugu soo baxay dadwayne aad u tiro badan oo ka koobnaa dhamaanba qaybaha bulshada sida odoyaasha,waxgaradka,culumaaudiinka,Dhalinyarada,haweenka,Shaqaalaha dawlada iyo maamulada 7da xaafadood ee ay magaalada dh/buur ka kooban tahay.

Gudoomiyaha maamulka Gobolka Jarar mudane farxaan Cabdi Maajuun oo ka hadlay munaasabada loogu dabaaldagayay xuska maalinta maamuuska iyo sharafta mudan ee 20ka ginbot ayaa ka warbixiyay midhihii ka dhashay halgankii EPRDF in ay tahay maalinta 20 ginboot taasoo astaan maguuraan ah u ah maalintii shacabweynaha dalka itoobiya laga dulqaaday taliskii dhiigya cabka ahaa ee Mingiste h/mariam oo cadaadis iyo xasuuq ba'an oon loo aaba yeelin ku hayay qowmiyadaha balse soomaalida itoobiya ka sakow cadaadiska iyo xasuuqa ay kala sinaayeen Qowmiyadaha kale u dheerayd xaqiraad lagu duudsiiyay xusuuqdoodii itoobiyaanimo oo kaliya talisyadii shuuciga ahayd ay dhulka soomaalida itoobiya u yaqaaneen dhulitoobiya ah shacabka soomaaliduna yihiin jinsiyada soomaalida.

masuulka ayaa shacabweynaha dh/buur ku tilmaamay shacab nabadgalyada iyo horumarka jecel islamarkaana jecel wadanoolaanshaha iyo isxaqdhawrka qowmiyadaha walaalaha ah,isagoona uga mahadceliyay sida qiimaha badan ee ay isugu soo baxeen yar iyo wayn munaasabada xuska maalinta ginbot20 ee 24jirsaday. Xuska maalinta ginbot 20 oo si heer sare ah uga dhacay magaalada dh/buur ayaa ay maamulada xaafaduhu soo bandhigeen agab-dhaqameedka ay soomaalidu caanka ku tahay iyadoona sidoo kale ay kooxda fanka magaalada dh/buur ay munaasabada wacdaro soo wada jiitay ka soo qaybgalayaashii.

Isku soo bandhigeen. isku soo wada duuboo munaasabada 24-guurada maalinta ginboot ayaa guud ahaan dalka iyo dibadaba si balaadhan looga wada xusay.