Ramadan Kariim 



 

      

Kulan Lagu Gorfaynayay Sidii Loogu Diyaar Garoobilaa Waxyeelada Ay Keeni Karaan Roobabka Gaar Ahaan Fatahaada Wabiyada Oo Kadhacay Xafiiska Kahortaga Iyo U Diyaargarowga Masiibooyinka DDSI.

Jigjiga(CN) Arbaco.June.03.2015, waxaa, ka dhacay xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI kulan balaadhan oo lagu lafa gurayay, sidii loogu diyaar garoobilahaa, loona xakamayn lahaa waxyeelada iyo saamaynta ay gaysan karaan roobabka ka da’aya deegaanka, iyada oo waliba diirada lagu saarayay waxqabadkii ay bilihii ugu darbeeyay ka qabteen xafiisyada horumarka iyo  hay’adaha aan dawliga ahayn qorshayaashii hore loo kala qaatay  ku  qotomay ka hortaga iyo xakamaynta xaaladaha deg dega ah.

Kulankaasi oo uu hogaaminayay wasiirka ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane Maxamed Daahir Ismaamiil, ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socday xafiisyada horumarka sida, xafiiska caafimaadka, beeraha, biyaha, waxbarashada iyo dhamaan hay’adaha aan dawliga ahayn ee ka hawlgala deegaanka.

Waxaana ugu horayntii kulankaasi ka hadlay wasiirka ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane Maxamed Daahir Ismaaciil wuxuuna, sharax dheer ka bixiyay ujeedooyinka iyo  anjandayaasha kulankaa lagu qorfayndoono, isaga oo sheegay in hadda dhamaan degmooyinka deegaanka loo diyaro teemankii soo samayn lahaa daraasaadka ku taxa luqa samaynta iyo waxyeelada ay keeni karaan roobabka ka da’aya deegaanka iyo in waliba kulankaa dib loogu eegi doono waxqabadkii  iyo doorka ay xafiisyada horumarka iyo hay’addaha aan dawliga ahayn ka qaateen qorshayaashii hore loo kala qaaday.

Waxayna, soo bandhigeen masuuliyiinta ka socday xafiisyada horumarku waxqabadka iyo qorshyaasha ay kaga hortagaan xaaladaha deg dega ah  sidoo kale waxaa iyaguka soo bandhigay  waxqabadka iyo qorshyaasha loogu diyaar garoobayo xaaladaha deg dega ah masuuliyiinta ka socday hay’adaha aan dawliga hayn.

Isku soo wada duub oo kulankaasi ayaa intii uu socday si mug leh loogu qaadaa dhigay waxqabadka guud ee xaaladaha ka hortaga iyo u diyaar garowga xaaladaah deg dega ah ee saamaynta ku keenaya bulshada deegaanka waxaana si qoto dheer lays kula qaatay sidii loo sii xoojin lahaa ka hortaga iyo xakamaynta xaaladaha deg dega u dhaca ee bulshada saamaynta ku keenaya.