CIID MUBAARAK



 

      

War Deg Deg: Wasiiro Iyo Saraakiil DFI Ah Iyo Masuuliyiin Kasocda DFS Oo Maalinta Bari Ah Kulan Kuyeelanaya Magaalada Jigjiga ee Xarunta DDSI.

Jigjiga(CN) Jimce.June.05.2015, Wasiiro kasocda wasaarada arimaha dibada DFI, wasaarada gaashaandhiga DFI, xubno security council, janano iyo saraakiil ciidanka qaranka ah, taliyaha guud ee ciidanka gaarkaha ee Liyuu Booliska Gen. Cabdiraxmaan Cabdulaahi Buraale, hogaaminta ugu saraysa DDSI iyo wasiiro iyo masuuliyiin kasocda dawlada federaalka Soomaaliya ayaa goor dhaw isugu yimid xarunta DDSI ee magaalada Jigjiga.

Hadaba kulankan Jigjiga oo furmaya maalinta bari ah ee sabtida oo ah 29 bisha Ginbood ayaa looga wada hadli doonaa weerarkii dhawaantan lagusoo qaaday xaka Itoobiya, iyadoo lafilayo in xal, waan-waan, iyo daris wanaag kasoo baxo kulankan Jigjiga kadhacaya maalinta bari ah.

Wixii faah faahin kala soco CakaaraNews dib ayaan idin kala socod siin doonaa.