CIID MUBAARAK



 

      

Dhibaatooyinkii Deegaanada Xadka Itoobiya Iyo Somaliya Oo Heshiis Laga Gaadhay.

Jigjiga(CN) Axad.June.07.2015, waxaa heshiis kama danbays ah laga gaadhay dhibaatooyinkii kadhacay xadka Itoobiya iyo Somaliya kadib shir laba maalmood kasocday xarunta DDSI ee caasimada Jigjiga.  Shirkan oo kadhacay madasha Qaryaan Dhoodaan ayaa waxaa kasoo qayb galay madax Kasocotay Itoobiya oo isugu jirtay heer fedreaal iyo heer deegaan oo ay kamid ahaayeen Danjire Shamsudiin Axmed iyo madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti uu hogaaminayay wasiiru dawlaha Madaxtooyada dawlada federaalka Soomaliya Mahad Maxamed Salaad.

Heshiiskan ayaa waxaa labadii cisho ee lasoo dhaafay ay  masuuliyiinta dawlada Itoobiya iyo dawlada Somaaliya ay falanqaynayeen sidii xal waara looga gaadhi lahaa dhibaatooyinkii kadhacay xadka. Waxaana dawlada federaalka Itoobiya u saxiixay Danjire Shamsudiin Axmed halka dawlada federaalka Soomaaliya uu sixiixay wasiiru dawlaha madaxtooyada Soomaliya mudane Mahad Maxamed Salaad.

Heshiiskan oo si nabada loo gaadhay soona afjaraya dhibaatooyinka kadhashay xadka ayaa waxaa si wada jira kaalintooda kashaqeeyay labada dhinac ee dawlada Itoobiya iyo dawlada Somaliya oo ay ugu horeeyaan wasaarada gaashaandhiga DFI, Hogaaminta DDSI, iyo waftiga uu horkacayay wasiiru dawlaha DFS mudane Mahad Salaad.

Markii heshiiskan lakala saxiixday ayuu Danjire Shamsudiin Axmed Rooble uga mahadceliyay xukuumada DDSI sida ay isugu hawshay in xal loogu helo dhibaatada xadka iyo DFS sida ay isooga xil saartay xalinta hawshan. Waxaa kale oo danjiruhu uga mahadceliyay cidkasta oo ka qayb qaadatay xal u helista hawshan.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sidoo kalae halkaasi kasoo jeediyay hadalo tilmaamaya sida ay labada dal horumarkoodu isgau xidhan yihiin iyo ahmiyada nabadu u leedahay labada shacab ee Itoobiya iyo Soomaliya, isagoo sheegay in horumarka Itoobiya ku xidhanyahay horumarka Soomaliyaa maadama ay yihiin labo dal oo daris iyo walaalo ah. Madaxwaynuhu waxaa uu uga mahadceliyay dhamaan sida ay uga qabqaateen masuuliyiinta DFI, wasaarada gaashaandhiga, iyo masuuliyiinta Soomalaaiya.

Dhanka kale waxaa isaguna mahadcelin balaadhan kadib heshiiskan iyo ahmyadiisa kawaramay isagoo dhamaan ummada ugu bishaareeyay in maanta laga bilaabo uu heshiiskani xal waara kagaadhayo dhibatooyinkii deegaanada xadka kadhacay,

Iskusoo wada duuboo Shirkan Jigjiga ee labada maalmood socday sidii xal looga gaadhi lahaa dhibaatadii kadhacday deegaanada xadka ee Itoobiya iyo Soomaliya ayaa heshiis nabada lagu gaadhay waxayna tani muujinaysaa sida ay labada dal ee Itoobiya iyo Somaliya u danaynayaan nabada, dariswanaaga iyo ixtiraamka kadhaxeeya labada daris.