Ramadan Kariim 



 

      

Raysal Wasaare H/Mariam Shir Madaxeedkii Uu Kaqayb Galay Ee Wadamada G7 Oo Soo Gababgaboobay.

Addis Ababa(CN) shir madaxeeedka wadamada G7 oo muddo labo maalmood ah uga socday wadanka martigaliyay shirka ee Jarmalka ayaa lasoo gaba gabeeyay.

Raysal wasaaraha dawlada federaalka Itoobiya mudane HaileMariam Desalegn ayaa shirkaasi uga qayb galay arimo ay kamid ahaayeen xag-jirnimada iyo isbadalada cimilada, waxaana raysal wasaaraha ku wahelinayay madaxwaynayaasha wadamada Nigeria, Liberia, iyo Tunizia.

Haweenayda hogaamiyaha wadankaas Jarmalka Angela Merkel ayaa halkaasi kajeedisay in wadamada horumaray ay u sameeyaan wadamada soo koraya taageerada dhaqaal u taagan wax ka qabashada arimaha isbadalka cimilada.

Warbixintii u danbaysay ee laga soo saaray saamaynta isbadalka cimilada ayaa tilmaamaysa in Itoobiya ay ugu horayso wadamada ay aadka u saamaysay isbadalka cimaladu. Waxayna Itoobiya shirar badan oo caalami ah kaga hadashay in dhaqaale ahaan wax looga qabto isbadalka cimlidan

Waxaa kale shir madaxeedkaas looga hadlay arimaha amni daro ee kooxaha ISIS iyo Boko Xaraam.