Shirwaynihii Caadiga Ahaa Ee Xaqiijinta Horumarka Iyo Cadaalada Oo Jigjiga Kabilaabanaya.

Jigjiga(CN) Sabti.June.13.2015, waxaa magaalada Jigjiga ee xarunta DDSI kabilaabanaya shirwaynihii caadiga ahaa ee xaqiijinta horumarka, cadaalada, iyo maamulka suuban oo sanad walba xiligan oo kale bisha Soon kahor ka qabsooma deegaanka.

Shirwaynahan caadiga ah ayaa waxaa kasoo qayb galaya in kabadan laba kun oo qof oo isugu jira dhamaan ergooyinka ka imanaya degmooyinka iyo gobolada uu deegaanku ka koobanyahay.

Shirwaynahan ayay xukuumadu kusoo bandhigi doontaa warbixinta wax qabadka shantii sano ee lasoo dhaafay ee dhanka nabadgaliyada, horumarka, cadaalada iyo maamulka suuban.

Sidoo kale shirwaynahan ayaa lagusoo bandhigi doonaa jihooyin wax ku'ool u ah qorshayaasha shanta sano ee soo socota iyadoo laga duulayo wixii laga bartay sanooyinkii lasoo dhaafay. Waxaana lafilayaa inuu shirkani bilaabmo maalinta bari ah iyo wixii kadanbeeya, kaasoo socon doona maalmaha ka horaysa Ramadaanka.