Ramadan Kariim 



 

      

Shirka Loogu Dabaal dagayay Guulaha Dalka Laguna Marti Qaaday Safiirka Itoobiya Ee Maraykanka Oo Ay Jaaliyaadka Itoobiya Kasoo Qayb galeen Ayaa Kadhacay Gobolka Minnesota.

Minneapolis(CN) Isniin.June.15.2015, waxaa gobolka Minnsota maalmahan booqasho shaqo kujoogay Safiirka dawlada Fedraalka Itoobiya u fadhiya wadankaas Maraykanka  Ambassador Girma Birru iyo Counselor Malaku. Waxaana martiqaad u sameeyay jaaliyada Itoobiyaanka ah ee ku dhaqan wadanka maraykanka kuwaas oo kakooban dhamaan qoomiyadaha Itoobiya.

Gaar ahaan safiirka iyo waftiga lasocday ayaa waay marti gaar ah u haayeen maamulka Jaaliyada DDSI ee waqooyiga Ameerika. Maamulka jaaliyada iyo qaybahooda kala duwan sida ururada dhalinyarada, odoyaasha iyo dumarka DDSI ayaa safiirka kala xaajootay sidii kor loogu qaadi lahaa kaalinta horumarka iyo nabadgaliya ee qurbajoogta iyo wadashaqaynta jaaliyaadka kudhaqan gobolka Minnesota.

Shirka ayaa waxaa furay maamulka ugu sareeya Jaaliyada DDSI ee North America  oo kusoo dhaweeyay hadalka Ambassador Girma oo sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in uu indhihiisa ku arko dadka Soomaalida Itoobiya oo hormuud ka ah Itoobiyada Cusub. Wuxuuna sheegay inuu si xoogan ugala shaqayn doono Jaaliyada DDSI North America siyaasad ahaan iyo maamul ahaanba.

Safiirka ayaa aad uga mahadceliyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar kuna tilmaamay geesi da'yar oo dalkeena u kacay isagoo ku amaanay kaalinta libaaxnimo ee xidhiidhka dadwyanaha dal iyo dibad iskuna xidhay jaaliyadaha iyo dawlada.

Shirkan oo ay safiirka iyo maamulka jaaliyaadku arimo badan oo horumarka ah ka hadleen ayaa sidoo kala aad looga mahadceliyay abaalmarin shahaado geesino ahna lagu gudoon siiyay gudoomiyaha jaaliyada DDSI ee North America mudane Maxamed Shugri Nuur (Sangaab) iyo afhayeenka ururka dhalinyarada ee DYSE mudane Cabdisalaan Carab Khuuriye oo ku mutaystay sidii geesinimda lahayd ee ay  dhamaadkii bishii  May ee sanadkan tooshka ugu shideen kooxdii hadhaaga Derg iyo Ginbood 7 oo ay raarta ugu galeen islamarkaana ay kufashilyeen cadaawada ay horumarka Itoobiya u qabaan kooxdaasi.