Ramadan Kariim 



 

      

Madaxwayne Kuxigeenka Ahna wasiirka xafiiska madaxtooyada DDSI Oo Xafiiskeeda Ku Qaabishay Wafti Uu Hogaaminayo Dr Cabdirahmaan Bayle Oo Kasocda Mashruuca PDRSP.

Jigjiga(CN) waftigan uu hogaaminayo Dr cabdirahmaan bayle oo ah Director ORSP/AfDB oo  maalmihii ina soo dhaafay ku sugnaa deegaanka islamarkaana booqasho shaqo ku tagay degmooyinka uu ka hawlgalo mashruuca kor loogu qaadayo nolosha bulshada xoolo dhaqadada ah ee bariga bariga Africa ee   Pastoral Drought Resilience and Sustainable Livelihood Program (PDRSP) ayaa waxaa markii ay soo noqdeen xafiiskeeda ku qaabishay madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka madaxtooyada DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax,  kulankaasi oo uu kula wehelinayay wasiir ku xigeenka xafiiska xoolaha beeraha iyo horumarinta reermiyiga DDSI mudane Guuleed Aw Cali Kaahin.

Waxaana, kulankaasi ugu horyntii ka hadashay madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka madaxtooyada DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax  ayaa si qoto dheer uga hadashay in ay xukuumada DDSI si diiran u soo hdawaynayso sii xoojinta iyo balaadhinta mashruucan. Waxayna sheegtay in mashuucani wajihiisii hore degmooyinka deegaana laga hirgaliyay uu si fiican uga hirgalay iyada oo sheegay in uu yahay mashruuc sii karaargalin kara qorshyaasha horumarineed uu ay xukuumadu u dajisatay dhinaca kor u qaadida nolosha bulshada xoolo dhaqadada ah.

Waxaa kulankaasi ka hadlay  agaasimaha guud ee marshuurca Director ORSP/AfDB Dr Cabdiraxmaan Bayle isaga oo ugu horayntii u mahad naqay xukuumada DDSI sidii qiimaha danbayd ee loogu soo dhaweeyay deegaanka ugu mahad naqay xukuumada iyo shacabkeeda guulaha horumarineed ee ay sanadihii ugu danbeeyay gaadheen ayaa waxa uu si mug leh u sharaxay ujeedada iyo ahmiyada mashruucani u leeyahay guud ahaan xoolo dhaqadada bariga Africa  iyo hiigsiga iyo istaraatajiyadaha qorshayaashiisa ku wajahan wax ka badalka nolosha bulshada xoolo dhaqadada ah.

Sidoo  kale wax uu Dr bayle ka warbixiyay socdaalkii uu ku soo maray degmooyinka uu ka hawl galo mashruucani oo uu  bogadiyeen qabka bulshadu diyaarka ugu tahay in ay ka faa'iideystaan mashruucan, iyo sida quruxda badan ee ay u soo dhaweyeen.

Dr Abdiraxaman Bayle ayaa waxaa u si qotodheer uga Hadley ansixiinta mashruucan dadaalka badan ee loo galey, Iyo tartanka loogu jiro lacagaha bangigu bixiyo, Hadaba, Mashruucan oo si weyn wax uga badali doono nolasha dadka xoolodhaqatada aha ee ku nool bariga Afrika, ayaa in u dhaqaangalo oo si wanagsan looga faa'iideysto rajaada kobad, labad Iyo sadexaadba waa Idiinka (waa bulshada dawlada degaanka soomalida itoobiya). Sida aan ku maasuliyiinta herarka kala duwan shacabka Iyo sida ay wax u qabsanayaan waan huba in aad tusale  wanagsan u noqoon doontaan dhamaan xoolodhaqatada Geeska Africa.