Ramadan Kariim 



 

      

Maalintii 3aad Ee Shirwaynaha Oo Warbixinta Waxqabadkii GTP1 Iyo Qorsha GTP2 Lagu Lafaguray.

Jigjiga(CN) Talaado.June.16. June.2015, Shirwaynaha oo maalintii 3aad galay ayaa saaka u guda galay warbixinta waxqabadka 5 sano ee lasoo dhaafay (GTP1) iyo sidoo kale wareega labaad ee qorshaha isbadalka iyo kobaca dhaqaalaha ee shanta sano ee soosocota (GTP2).

Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan ayaa saaka shirwaynihii xaqiijinta cadaalaadda iyo horumarka oo galay maalintii 3aad ergooyinka soo hordhigay warbixinta waxqabadka 5tii sano ee qorshaha GTP1 taasi oo ku sar go’nayd xaqiiinta gaadhsiinta shacabka deegaanka horumar buuxa.

Wuxuuna madaxwayne ku xigeenku sheegay in ay xukuumada DDSI 5 santii sano ka midho dhalisay qorshayaashii  cilmiyaysnaa ee ay xukuumadu dajisatay bilowgii qorshaha 5ta sano  ee ku saabsanaa ka jawaabida baahiyaha shacabka kor u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha, la dagaalanka saboolnimada iyo jahliga, waxa uu tilmaamay in xukuumada DDSI 5tii sano ee hadda dhamaaday  gashay halgan adag oo ku taxa luga xasilinta amniga, horumarka iyo hirgalinta kaabayaasha dhaqaalaha, saxar tirida maamulka suuban, xidhiidhka dadwaynaha, xidhiidhka iyo arimaha dibada.

Madaxwayne ku xigeenku waxa kale oo uu si durugsan uga warbixiyay sahantaga iyo wadiicooyinkii ay xukuumadu u martay gaadhsiinta shacabka deegaanka horumar waaro oo aan soo noqod lahayn, isaga oo sharax dheer ka bixiyay hirgalinta mashaariicaha waawayn ee wakhtiga gaaban lagu hirgaliyay. Sidoo kale waxa uu kawaramay bilowgii qorshaha shanta sano ee hadda dhamaaday  halkii laga soo qaaday heerka adeegyada aas aasiga ah ee horumarineed  isaga oo si mug leh u sharaxay xafiiskasta adeegiisu halka uu taagnaa iyo maanta halka uu taagan yahay iyo farqiga u dhexeeya.

Wuxuuna sheegay madaxwayne ku xigeenku in si xawliya shantaasi sano kor loogu qaaday dhinacyada adeedyada helitaanka biyaha nadiifta ah, caafimaadka, waxbarashada, beeraha, jidadka, dib u dajinta, isgaadhsiinta, laydhka, abuuritaanka ilaha shaqada, horumarinta magaalooyinka, horumarinta xidhmaha dhalinyarada iyo haweenka, aas aaska iyo hirgalinta wakaaladaha horumarineed iyo  xidhiidhka arimaha dibada.

Dhanka kale wasiirka wasaarada maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha ee DDSI mudane Axmed Cabdi ayaa si qoto dheer guriga u soo jeediyay warbixinta qorshaha wareega labaad ee GTP2, Wuxuuna wasiirku sharaxaad dheer kabixiyay qorshayaasha horumarineed ee lagu hiigsanayo isbadalka kobaca dhaqaale.

Wasiirka ayaa si faah faahsan u soo bandhigay qaybaha horumarka ee xooga lasaaray oo ay biyuhu ugu horeeyaan maadaama ay xukuumada ku duusho markasta baahaida shacabka ee daraasadaysan. Wuxuuna wasiirku si balaadhan warbixinta qorshaha ee xukuumada u muujiyay yoolka horumar ee lahiigsanayo shanta sano ee qorshaha isbadalka iyo koboca dhaqaalaha wareegiisa labaad.

Dhankooda odayaashii ergooyinka ayaa si wayn ugu riyaaqay warbixinta oo ay sheegeen in ay tahay mid itus oo itaabsiiya ayna xaqiijiyeen in warbixinta waxqabadkii GTP1 iyo Qorshaha GTP2 ee xukuumadu soo jeedisay ay tahay mid ka turjumaysa xaqiiqda dhabta ah waxayna sheegeen in ay adeegyada as aasiga ah ugu tageen qof walba halka uu joogo.

Shirwaynahan wadatashiga ayaa sii soconaya galabta ilaa caawa iyadoo gurigu sadexdan maalmoodba ka arinsanayo sidii wax looga baran lahaa shantiii sano ee lasoo dhaafay loona sii wadi lahaa guulaha lagaadhay. Shirwaynahan oo sanadkasta laqabto ayay ujeedadiisu tahay xaqiiinta cadaalada, nabadagaliyada, horumarka iyo maamulka suuban ee DDSI.