Ramadan Kariim 



 

      

Madaxwaynaha DDSI Oo Guud Ahaan Muslimiinta Caalamka Gaar Ahaana Muslimka Itoobiya Ugu Bishaareeyay Bisha Barakaysan Ee Ramadaan.

Jigjiga(CN) Arbaco.June.2015 madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhamaan muslimka caalamka gaar ahaan muslimiinta Itoobiya ugu bishaareeyay bisha barakaysan ee Ramadaanka oo dhamaan dalka Itoobiya iyo caalamkaba barito laga soomayo.

Madaxwaynaha ayaa faray dhamaan muslimiinta walaalaha in ay kafaaiidaystaan khayraadka iyo barkada bisha Ramadaanka isaga oo ugu dar daarmay in la iscaawiyo oo dariska iyo masaakiinta dhaqaalahoodu liito lacaawiyo, islamarkaana labadaiyo Alle kacabsiga, isjeclaanshaha, iyo khayraadka badan ee bishu leedahay.

Madaxwaynaha ayaa Ilaahay uga baryay dhamaan muslimiinta in Ilaahay ka dhigo kuwa kafaaidaysata bishan barakaysan ee Ramadaanka khayrkeeda oo dhan. Sidoo kale waxaa uu Allaah uga baryay in bishan bisheeda ku gaadhsiiyo barwaaqo,  Alle kacabsi, iyo cimri suuban.

Dhanka waxaa xalay lasoo gabagabeeyay shirwaynihii wadatashiga shacabka iyo xukuumada ee xaqiijinta caddaalada, nabada, horumarka iyo maamulka suuban oo kasocday xarunta Jigjiga 3 dii maalmood ee lasoo dhaafay.