CIID MUBAARAK



 

      

Odoyaasha DDSI Ee North America Oo Taageeray Shirwaynihii Wadatashiga Shacabka Iyo Xukuumada DDSI Ee Xarunta Jigjiga Kasocday Una Bishaareeyay Bisha Ramadaanka Dhamaan Walaalaha Muslimka Ah.

Minneapolis(CN) Khamiis.June.18.2015, waxaa maanta shir iskugu yimid odoyaasha DDSI ee North America maaluka jaaliyada iyo hogaaminta sare ee xisbiga.

Shirkan oo kadhacay Kilimanjaro Restourant Minneapolis ayaa lagu taageeray shirwaynihii wadatashiga shacabka iyo xukuumada DDSI ee xaqiijinta cadaalada, nabada, horumarka iyo maamulka suuban oo maal mahan kasocday caasimada Jigjiga ee xarunta DDSI.

Waxayna odoyaasha, hogaaminta xisbiga iyo maamulka jaaliyada DDSI ee North America aad u soo dhaweeyeen arimihii wax ku'oolka ahaa ee looga hadlay shirwayanaha kuwaas oo ah gashiyo horumarineed siina laba jibaaraya horay u socodka DDSI.

Odayaasha oo ka faaidaysanaya fursadan bisha barakaysan ayaa dhamaan u bishaareeyay muslimiinta iyagoo balan qaaday inay iska kaashanayaan dhamaan khayraadka oo ay iscafiyeen. Waxayna shirkaasi odayaashu isku afgarteen in lasii dar dar galiyo isku xidhnaanta iyo kawada shaqaynta hawlaha horumar ee ummada.