Qorshayaashii Hirgalinta Mashruuca Isgaadhsiinta Mobile-da iyo Internetka oo Si Fiican Loogu Guulaystay

Jigjiga(CN) Khamiis June-26-2015.Sida aan lawada soconay waxa dhamaan degmoyinka deegaanka ka socoday mashruuca kor u qaadida adeega isgaadhsiinta telefonka gacanta iyo khadka interneka ee loo yaqaan 3.75 G ga kasoo qorshaysnayd in 186 antenna lagu xidho qalabkii fududaynayay helida isticmaalka isgaadhsiineed loona sii daayo adeega 3.75 G Degmooyinka iyo Gobolada dhinaa kasoo lagu guulastay in dhamaan sidii loogu talagalay u qabsoontey iyadoo gobolkii ugu dambeyay ee laga hirgaliyay Degmooyinkii ka dhinaa Helida Isgaadhsiinta oo ahaa Gobolka Afdheer todobaadkan degmoyinki ka hadhsana loo sii daayay.

Mashruuca ayaa mudo yar lagu so gabagabeyay kaasoo wax weyn kusoo kordhiyay tirada iyo tayada khadka mobile ka iyo internetkaba islamarkaana ahmiyad weyna u leh taagerida qorshayasha horumarined iyo nabadgalyo ee deegaanka sida xawliga ah uga socda.

Mashruucan ayaa ah mashruuca ay hirgalkeda xukumada DDSi mudnaan gaara siisay iyadoo Madaxweynaha DDSI Mundane Abdi Mohamud Omer uu si gaara hadh iyo habeen ula socdey hirgalintiisa haday noqoto taageero, dabagal iyo dhiirigalin hogaamined oo ay ku dheehan tahay Dareen lahaansho iyo aragti samata bixinta bulshada deegaanka ee u heelan helida adeegan isgaadhsiinta casriga ah.

Waxaan halkan si kal iyo laaba aan ugu hambalyaynayaa shacabka DDSI meel kasta oo ay joogaan ee dhadhansaday faaiidooyinka horumarineed,kobaca dhaqaale iyo Kaabayaasha dhaqaale eek u astaysan waxqabadka Qorshyaasha horumariuneed ee Xukuumada manta iyo kuwa heer federal.

waxaa kaloon halkan uga mahad celinaya ciidamada booliska gaarka ah ee Liyuupolice oo hadh iyo habeen taageero kasta oo looga baahdo wakhtigeeda bixinayay una guntaday sidii uu horumarka baaxadiisu u gaadhi lahaa bulshada iyo dhamaan maamulada gobolada iyo degmooyinka laga waday mashrucan iyo shacabka DDSI oo kaalin fiican ka qaatay.

Ugu danbayn waxanan leeyahay hambalyo hambalyo hambalyo Hello Ma I Maqlli..... Haa wan Ku Maqli ....Ha Waaro Horumarka DDSI ...Horaa loo soconaya Dhoohane Yeelkiis.