Ramadan Kariim 



 

      

Gudoomiyaha Jaaliyada DDSI Ee Canada Ayaa Aad Ugu Hanbalyaynaya XDSHSI Iyo Xukukuumada Shanta Sano Ee Soo Socota.

Jigjiga(CN) Khamiis.July.02.2015, Gudoomiyaha jaaliyada DDSI ee Canada mudane Camaar Sheekh Cabdulaahi oo shabakada CakaaraNews lasoo xidhiidhay wakhti xaadirkana ku sugan DDSI ayaa ku bilaabay fariintiisa sida tan:-

Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca dhamaan jaaliyaadka DDSI ee gobolada wadankaas Canada ayaa waxaan aad u soo dhawaynaynaa oo aan hanbalyo aan lasoo koobi karin u gudbinaynaa XDSHSI oo shantan sano ee soo socota go'aansaday madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo isbadal hogaamin oo taariikhi ah deegaanka kasoo hoyiyay shantii sano ee lasoo dhaafay.

Gudoomiyuhu waxaa uu fariintiisa ku sheegay in ay dhamaan jaaliyaadka iyo maamulada DDSI ee gobolada Canada ay si wada jir ah ugu dirayaan hanbalyo iyo bogaadin XDSHSI iyo dhamaan masuuliyiinta xukuumada ee shanta sano ee soo socota uu xisbigu u  doortay.

Mudane Camaar ayaa yidhi " Anigoo ku hadalaya magacayga iyo magaca jaaliyada waxaan balan qaadaynaa in aan taageeradanada sii xoojinayno oo aan markasta garab taaganahay shacabka DDSI iyo XDSHSI oo aan uga mahadcelinayano isbadalka uu deegaanka u horseeday shantii sano ee lasoo dhaafay nabadgaliyada, horumarka, xidhiidhka dadwaynaha iyo maamulka suuban intaba guulo wax ku ool ah kasoo hoyiyay.

Maamulka Jaaliyada DDSI ee Canada.