Madaxwaynaha DDSI Oo Kaqaybgalay Munaasibada Qalinjabinta Jaamacada Haramaya Oo Maanta Shahaado Sharaf Doctorate Ah Siisay Madaxwaynaha Jabuuti.

Haramaya(CN) Sabti.July.2015, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kamid ah gudiyada boardhiga jaamacadaha ayaa maanta kaqayb galay munaasibada qalinjabinta Jaamacada Haramaya oo maanta ku doonsiisay shahaada sharaf Doctorate ah madaxwaynaha Jamhuuriyada Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele oo kaalin ka qaatay xidhiidhka Itoobiya iyo Jabuuti.

Munaasibada oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay Raysal Wazaaraha DFI mudane HaileMariam Desalegn, Madaxwaynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele, Wasiirka Waxbarashada DFI mudane Sheferew Shigote, Madaxwaynaha Oromiya mudane Mukhtar Kadir, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Masuuliyiinta Jaamacada, madaxwaynaha Hararida, Mayorka Diridhaba iyo marti sharaf kaloo badan.

Waxaana Jaamacada kaqalin jabisay maanta ilaa  8000  arday oo baranayay culuunta kala duwan ee ay jaamacadu bixiso oo kakooban heerka koobaad, labaad iyo Doctorate ee Degree. Waxaana abaalmarinta Doctorate-ka gudoonsiiyay Raysal Wazaarhaha DFI mudane HaileMariam Desalegn oo kasoo qayb galay munaasibada qalin jabinta.

Mudane Ismaaciil Cumar Geele oo kahadlay munasibadaasi ayaa sheegay inuu aqbalay aadna ugu faraxsanyahay shahaadada sharafta Doctorateka ah ee jaamacadu siisay wuxuuna madaxwaynuhu sheegay in jaamacadani ay muhiim u tahay Afrika gaar ahaan culuunta beeraha. Sidoo kale wuxuu kahadlay xidhiidhka walaatinimo ee Itoobiya iyo Jabuuti.

Raysal Wazaaraha DFI mudane HaileMariam Desalegn oo u hanbalyeeeyay qalin jabiyaasha ayaa kahadlay heerka jaamacadaha dalka iyo isbadalkii aqooneed ee lagaadhay wareegii koobaad ee qorshaha isbadalka iyo koboca dhaqaale ee dalka, isagoo sheegay raysal wasaaruhu in wareega labaad ee GTP2 lasii balaadhin doono jaamacadaha dalka ilaa 50 kuwaas oo hada kabadan 37 jaamacadood.

Waxuuna Raysal wasaare Hailemariam gudoonsiiyay shahaadada Doctorateka madaxwaynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele iyo Professor Gebesa Ejeta. Waxaana ugu danbayntii halkaasi lagu abaalmariyay ardaydii dhibcaha hore ka gaysatay.

Jaamacada Haramaya oo kamid ah jaamacadaha dalka ugu horeeya oo shaqaynaysa inkabadan 60 sano ayaa sidoo kale waxaa ay Afrika ugu jirtaa jaamacadaha horumuudka ku ah dhanka culuunta beeraha iyadoo la aqoonsanyahay daraasaadyada iyo cilmi baadhista ay jaamacadu samayso.