Ramadan Kariim 



 

      

Madaxwaynaha DDSI Oo Ay Wahelinayaan Masuuliyiin Sare Ayaa U Kicitimay Dhanka Xarunta Dalka Ee Addis Ababa.

Jigjiga(CN) Talaado.July.07.2015, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wahelinayaan masuuliyiin sare oo uu kamid yahay afhayeenka baarlamanka DDSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq ayaa goor dhawayd ka anbabaxay gagida diyaaradaha Garaad Wiil Waal, wuxuuna waftigu u kicitimay dhinaca xarunta dalka ee caasimada Addis Ababa.

Madaxwaynaha iyo masuuliyiintan DDSI kasocota oo ay kamid yihiin afhayeenka baarlamanka DDSI mudane  Maxamed Rashiid Isaaq, madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mowliid Haayir Xasan, madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicaziiz Maxamed Cabdi iiyo xubno kale, ayaa ka qayb galaya munaasibad balaadhan oo kadhacaysa xarunta madaxtooyada qaranka oo ay kasoo qayb galayaan madaxwaynaha iyo raysal wasaaraha dalka.

Ujeedada munaasibadan ayaa ah mid loo qabanayo labada baarlamaan ee golaha wakiilada shacabka iyo golaha federeeshinka halkaas oo abaal marin lagu gudoon siin doono xubnihii baarlamanka shanta sano soo dhamaystay ee labada gole.

Golaha ayaa si fiican loo sagootinayaa iyadoo la abaal marinayo xubnihii shaqada fiican gaystay shantii sano ee lasoo dhaafay.