Golaha Baarlamanka DFI Oo Ansixiyay 223.3 Biyan Oo Birr Miisaaniyada Sanadka 2008 T.I.

Addis Ababa(CN) Talaado.July.07.2015, sida aad horeyba ugala socoteen shabakada CakaaraNews waxaa maanta golaha baarlamanku ka hadleen miisaaniyada sanadka 2008 waxaana faah faahin kabixiyay raysal wasaaraha DFI mudane Hailemariam Desalegn oo ka hadlay miisaaniyada sanadkan 2008.

Golaha baarlamanka ayaa ka hadlay soona qaaday su aalo badan oo xaaladaha wakhtigan laxidhiidha iyo faah faahinta miisaaniyada oo dhan 223.3 Bilyan oo Birr.

Raysal wasaare HaileMariam Desalegn ayaa arimahaasi ay xubnaha baarlamanku soo qaadeen kajawaabay islamarkaana faah faahin dheer uga bixiyay.

Hadaba waxaa uu goluhu maanta ansixiyay miisaaniyada sanadkan 2008 oo dhan 223.3 Bilyan oo Birr waxayna ka badan tahay 45 Bilyan oo birr miisaaniyadii sanadkan dabayaaqada ah oo dhanayd 178.5 bilyan oo birr.