CIID MUBAARAK



 

      

Madaxwaynaha DFI Oo Abaalmarino Gudoonsiiyay Madaxda Dalka Oo Uu Kamid Yahay Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar.

Addis Ababa(CN) Talaado.July.07.2015, caawa ayaa waxaa guriga madaxtooyada qaranka Itoobiya lagu sagootiyay xildhibaanadii hore, sidoo kale madaxwaynaha DFI mudane Dr. Mulatu Teshome ayaa si aad u qiimo badan ula dardaarmay xildhibaanada cusub in ay shaqooyinka iyo masuuliyada iyo xilka ay shacabka u qaadeen ay u gutaan si daacadnimo ah.

Madaxwaynaha DFI mudane Dr. Mulatu Teshome ayaa abaalmarin siiyay qaar kamida madaxda dalka oo ay ugu horeeyaan, Raysalwasaaraha DFI mudane Hailemariam Desalegn, Raysal wasaare kuxigeenka DFI mudane Damaqe Mokonin, wasiirka wasaarada Adaeega shacabka DFI lehna aw. r/wasaare kux. Marwo Aster Mamo, Wasiirka isgaadhissnta iyo farsamada casriga ah DFi lehna awood raysal wasaare kuxigeen mudane Dr. Debresiyon G. Michael , afhayeenka golaha shacabka mudane Abadula Gemeda,  afhayeenka golaha fadareeshinka muadne Kassa T/ Birhan, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, afhayeen kuxigeenka golaha federeeshinka mudane Rashiid Xaaji, wasiirka arimaha Federaalka mudane Dr Sheferew T/mariam iyo madax kale.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa caawa waxaa uu ku labisnaa dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaalida.