Ramadan Kariim 



 

      

Maareeyaha Guud Ee Wakaalada Dhismaha Iyo Hawlaha Biyaha DDSI Oo Sheegay In Qorshihii GTP1 Siduu Ahaa Loogu Guulaystay.

Jigjiga(CN) Arbaco.July.08.2015, maareeyaha guud ee Wakaalada Dhismaha Hawlaha Biyaha ee DDSI mudane Maxamed Cabdi Waaxid ayaa sheegay in guud ahaanba targetkii lagu dhuftay qirshihii shanta sano GTP1.

Maareeyaha oo ah xildhibaan lagasoo doortay degmada Araarso ee gobolka Jarar ayaa shabakada CakaaraNews u sheegay in shantii sano ee u danbaysay qorshihii xukuumada ee biyaha lagu guulaysatay dhamaan, iyadoo ay wali jirto baahida biyaha ee deegaanku hadana waxaa shantii sano ee u danbaysay guulo waawayn lagasoo hoyiyay baahida biyaha, waxaana mashaariicda kala duwan ee kafaaiidaysiga biyaha cirka, dhulka iyo wabiyada laga hirgaliyay deegaanka.

Xildhibaan Maxamed ayaa sheegay in goobo badan oo biyo la'aan ba'an ahaan jiray guulo wax ku'ool ah lagasoo hoyiyay kuwaas oo ay kamid yihiin ceelasha ridada dhaadheer sida ceelashii Xarshin, Yoocaale,  Duco-waalid iyo kuwo kaleba. Sidoo kale waxaa uu mudane Maxamed sheegay mashaariicaha lagu guulaystay ee biyo galinta iyo dhismayaasha kala duwan ee dhinaca biyaha.

Mar uu masuulku kawaramay hawlihii shaqooyinka biyaha ee wakaalada ayuu sheegay in xukuumad ahaan deegaanka lagu amaanay hirgalinta qorshihii GTP1 ee dhinaca dhismaha hawlaha biyaha iyo guud ahaanba waxqabadkii dhanka biyaha ee wasaarada horumarinta khayraadka biyaha, taasoo uu madaxwaynaha DFI uu horay ugu abaalmariyay deegaanka guulaha uu ka keenay dhanka biyaha.

Xildhibaan Maxamed ayaa intaas kudaray in wakaaladu ay qorshaha GTP2 dar dar xoogan sii galin doonto iyadoo khibrado badan kasoo baratay shantii sano ee lasoo dhaafay,  Wuxuuna sheegay maareeyuhu in lasii wadayo shaqooyinkii wanaagsanaa ee ku dayashada mudan.