Ramadan Kariim 



 

      

Gaadiidkii Iyo Helikobtaradii Obama Ee Booqashada Kenya Oo Haatan Kusii Diyaar Garoobaya Magaalada Nairobi.

Nairobi(CN) Khamiis.July.09.2015, madaxwaynaha wadanka Maraykanka Barack Obama ayaa booqasho ku imanaya laba toddobaad kadib dalalka geeska Afrika ee Itoobiya iyo Kenya. Wuxuuna ku horayn doonaa dalka Kenya kahor inta uusan iman wadanka Itoobiya.

Hadaba waxaa magaalada Nairobi ka bilaabatay in ay soo gaadhaan gaadiidka iyo diyaaradaha u adeegaya ama ilaalinaya booqashada madaxwaynaha wadankaasi Maraykanka Mr Barack Obama.

Sida ay qorayso warbaahintu waxaa garoonka diyaaradaha ee Jooma Kenyatta kasoo dagay gaadiid noociisu khaas yahay oo loogu tala galay in u isticmaalo madaxwaynaha maraykanku markuu yimaado. Sidoo kale waxaa iyaguna soo gaadhay 8 diyaaradaha noocoodu yahay Helicopterska oo ah nooca khaaska ah ee ilaalada.

Waxaana guud ahaan ilaalada madaxwaynaha ka qayb qaadanaysa ilaa 8 boqol oo shaqaalaha amniga maraykanka ah iyo 2 kun oo xoogaga booliska wadankaasi Kenya ah. Obama ayaa lafilayaa in uu Nairobi yimaado maalinta Sabtida oo ku aadan 25 bishan July ee 2015.

Madaxwayne Barack Obama ayaa booqasadiisa Kenya ay kuxigaysaa inuu yimaado xarunta midowga Afrika ee caasimada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya, waana markii ugu horaysay ee Obama yimaado taniyo intii uu qabtay xilka madaxwayne ee wadankaas Maraykanka.