Ramadan Kariim 



 

      

Shirwaynihii 3aad Ee Caalamiga Ah Ee Maalgalinta Horumarineed Ayaa Maanta Kafurmay Xarunta Midowga Afrika Ee Caasimada Addis Ababa.

Addis Ababa(CN) Isniin.July.13.2015, shirwaynaha caalamiga ah ee maalgalinta yoolasha horumarineed oo ah shir waynihii 3aad ayaa maanta si toos ah uga furmay xarunta dalka Itoobiya ee caasimada Addis Ababa.

Shir waynahan ayaa diirada saaraya maalgalinta yoolasha horumarineed ee xiga qorshihii 15 kasano ee yoolka horumarinta qarniga (MDG) oo sanadkani ugu danbeeyay, wuxuuna shirkani kusaabsan yahay sidii maalgalinta looga caawin lahaa qorshayaasha caalami ee xiga MDG haatan dhamaaday.

Dalka Itoobiya ayaa guulo waawayn kasoo hoyiyay qorshayaashii MDG oo ay ugu horeeyaan yaraynta khatarta hooyada iyo caruurta, horumarinta waxbarashada (primary), iyo dhimista saboolnimada.

Hadaba waxaa maanta shirkani caalami looga hadlayaa shaqooyinka kadhiman MDG iyo qorshayaasha xiga ee horumarineed oo maaliyadooda iyo habkoodaba sidii loo taageeri lahaa loogana arin sanlahaa lagu jiro.

Shirkan ayaa looga baaraan dagi doonaa qorshaha horumar waara, waxaana kasoo qayb galay in kabadan 5 kun oo qof ka socota madaxda wadamada iyo haayadaha caalamka, shirkan ayaa si toos ah uga soconaya maanta warbaahinta caalamiga ah ee dalka.