CIID MUBAARAK



 

      

Kalfadhigii 11aad Ee Golaha Xildhibaanada DDSI Oo Wali Halkiisii Kasii Socda Iyo Miisaaniyadii Guud Ee Sanadkan 2008 Oo Uu Goluhu Ansaxiyay.

Jigjiga(CN) Arbaco.July.15.2015, sidaad wararkayagii hore kula socoteen, waxaa ka furmay xarunta deegaanka DDSI falfadhigii 11 ee golaha xildhibaanada DDSI oo ah kalfadhigii ugu danbeeyay golaha 4aad.

Kalfadhigan ayaa waxaa horyaalay golaha xildhibaanada DDSI anjandayaal iyo bayaano door ah, oo ay ka mid ahaayeen, ansaxinta hadal qoraalkii  kalfadhigii 10aad , ansaxinta warbixinta xukuumada DDSI ee sanad miisaaniyeedka  2007TI, ansaxinta iyo dhagaysiga warbixinta hantidhawrka guud, ansaxinta warbixinta maxkamada guud ee DDSI iyo waliba bayaano ay ka mid yihiin bayaanka miisaaniyada guud ee sanad miisaaniyeedka 2008TI iyo bayaanka aas aaska wakaalada  horumarinta guryaynta DDSI .

Haddaba waxaa habeenkii xalay golaha la soo hordhigay dhagaysiga iyo ansaxinta bayaanka miisaaniyada guud ee sanad miisaaniyeedka 2008 TI.

Afhayayeenka golaha  baarlamaanka mudane Maxamed Rashiid Isaaq  ayaa  makarafoonka ku soo dhaweeyay wasiirka ku xigeenka maaliyada  iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Jamaal Faarax Warmooge  si uu sharaxaad dheeriya uga bixiyo bayaanka miisaaniyada DDSI ee SM 2008  wuxuu, si qoto dheer u sharaxay  miisaaniyada sanad miisaaniyeedka 2008 iyo miilaha diirada ay  saarayo.

Haddaba,  Maadaamo ay laga maar-maan noqotay in wakhtigeeda la ansaxiyo lana qaybiyo miisaaniyada loo qoondeeyay xafiisyada DDSI sanad miisaaniyeedka 2008 TI, sida uu dhigayo qodobka 47(2,S) dastuurka dawlada deegaanka soomalida Itoobiy waxa uu  awood u leedahay in uu  diyaariyo  islamarkaana maamusho miisaaniyadihiisa .

Maadaamo oo ay lagama maar-maan noqoday in si rasmiya loo bayaamiyo miisaaniyada DDSI ee S.M  2007 TI, waafaqsan qodobka 62(7) dastuurka jamhuuriyada Federaalka Itoobiya ee golaha federaalku u dajiyay nidaamka loo qaybiyo dakhliga wadaaga ah ee dawlada federaalka iyo dawlada deegaanka iyo sidoo kale miisaaniyada kabista ee ay dawlada federaalku siiso dawlad deegaameedka isla markaana ay tahay in la go-aamiyo miisaaniyada kabista ah ee la siiyo maamulada degmooyinka iyada oo lagu salaynayo qaaciidada uu dajiyay golaha deegaanku.

Sidoo kalena lagu qeexay dastuurka in dawlada deegaanku yeelato awood ay ku hanti dhawrto kuna daba gasho miisaaniyada loo qoondeeyay xafiisyada heer-deegaan, degmooyinka iyo kuwa maamulada  magaalooyinka aya  hadaba si waafaqsan qodobka 49(3) (B) ee dastuurka dib loo habeeyay ee deegaanka ayaa golaha xildhibaanadu waxay ansixiyaan miisaaniyada deeganka.

Wasiir ku xigeenka maaliyada iyo horumarinta dhaqaaluhu waxa uu  sheegay in miisaaniyada xafiisyada DDSI degmooyinka iyo magaalooyinka  halkan lagu qoondeeyay SM ka bilalaabmaya 1 da Hamle 2008 kuna dhamaada 30ka Sane 2008 taasi oo iskugu jirta miisaaniyada mashaariicaha mida caadiga ah ee heer deegaan miisaaniyaha kabista ee degmooyinka iyo  maamulada magaalooyinka.

Miisaaniyada guud ee sanad miisaaniyeedka 2008 ee uu ansixiyay golaha xildhibaanadu ayaa waxay dhantahay;-  8,503,441,452 (Sideed Bilyan shan Boqol iyo sadex milyan afar boqol afartan iyo kuw kun afar boqol kunton iyo laba birr).

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo dhagaysigii warbixinta miisaaniyada ka dib ka hadlay ayaa sheegay in ay sanad miisaaniyeedkani diirada lagu saaray kor u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha, dhimista saboolnimada, wuxuuna madaxwaynuhu  sheegay in xooga la saaray adeegyada horumarineed sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada , wax soo saarka beeraha, dib u dajinta, jidadka sii xooyinta iyo horumarinta kuliyadaha waxbarashada iyo waliba horumarinta magaalooyinka DDSI.

Kadib markii uu goluhu dhagaystay warbixintan kana dooday ayaa waxaa cod buuxda lagu ansixiyay  bayaanka miisaaniyada 2008TI.

Sidoo kale waxa uu golaha xildhibaanadu ansaxiyay, bayaanka aas aaska wakaalada horumarinta guryaynta DDSI. Kalfadhigan 11aad ee golaha xildhinaadada DDSI oo wali sii socda ayaa waxa la filayaa marka la soo gabagabeeyo in la qabto xaflada lagu sabootinayo xildhibaanadii golaha 4aad ee DDSI.