CIID MUBAARAK



 

      

Kalfadhigii 1aad ee Baarlamaanka DDSI Golihiisa 5aad oo Galinkii Danbe Halkiisii ka sii Socda Laguna Ansaxiyay Gudoomiyaha Maxkamada Guud 59 Garsoor iyo Wakiilada Golaha Federationka Deegaanka.

Jigjiga(CN) Axad July 19-2018. sidaynu la wada soconay waxaa saaka galinkii hore ay xildhibaanada deegaanku isugu yimaadeen hoolka qaryaan dhoodaan maalintii 2aad ee kafadhigoodii koobaad halkaasoo lagu ansaxiyay Hantidhawrka Guud iyo ku-xigeenka Afhayeenka Baarlamaanka DDSI oo ay noqotay gabadhii ugu horaysay taariikhda deegaanka ee qabata jagadas.

hadaba galinkii danbe ayaa ajandihii ugu horeeyay ku dhawaaqay afhayeenka baarlamaanka ddsi mudane maxamed rashiid isaaq oo ahaa 59 garsoore oo qiimayn adàg oo todobaadadii la soo dhafay dhamaanba garsoorayaasha deegaanka loo qabtay.

Madaxwaynaha Deegaanka oo aad ula dardaarmay Garsoorayaashan ka soo gudbay qiimayntii hay'daha cadaalada dhanka garsoorka loo qabtay kuwaasoo sida madaxwaynuhu sheegay in 59kan garsoore ku soo gudbeen kaliya waxqabadkii iyo xaqsoorkii cadaaladeed ee ay shacbka u hayeen.

Garsoorayaashan ka koobnaa 59ka garsoore ayaa ay xildhibaanadu cod buuxa ku ansaxiyeen ka dibna kitaabka quraanka kariimka ah Kalfdhiga xildhibaanada hortooda lagu dhaariyay.

Sidoo kale madaxwaynaha ayaa guriga soo hordhigay xulashada xukuumada ee Gudoomiyaha Maxkamada Guud mudane C/laahi halkaasna uu goluhu cod buuxa ku ansaxiyay Gudoomiyaha maxkamada Guud ee DDSI oo mar labaad loo magacaabay C/laahi maxamuud Cabdi(ugaas).

Dhanka kale waxaa Golahan lagu ansaxiyay Gudiga Maamulka garsoorka DDSI oo ka kooban 11 Xubnood oo kala ah.

1-C/laahi maxamuud cabdi gudoomiye gudiga maamulka garsoorka ddsi

2-Xildh,yaasiin cabdi waris Hogaanka N/galyada 

3-Xildh,cjamaal axmed qaloombi Wasiirka Cadaalada

4-garsoore cabdi khaliif cali

5-Garsoore samsam xaaji maxamed

6-Garsoore axmed nuur maxamed

7-Garsoore nimcaan claahi

8-Garsoore Axmed cismaan habane 

9-Garsoore C/raxmaan sheekh mukhtaar

10-Garsoore C/casiis abaadir

11-bashiir khaliif cumar

Sidoo kale waxaa ay golaha baarlamaanka ddsi ay kalfadhigooda ku ansaxiyeen galabta wakiilada golaha Federationka deegaanka wakiilka uga noqon doona kuwaasoo ay magacyadoodu kala yihiin.

1-Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

2-Afhayeenka Baarlamaanka DDSI mudane maxamed Rashiid Isaaq.

3-Ku-xigeenka Madaxwaynaha ahna Wasiirka Waxbarashada Mudane Mawliid haayir.

4-Ku-xigeenka madaxwaynaha ahna Wasiirka beeraha Marwo Sucaad Axmed faarax.

5-Madaxa Xarunta dhexe lehna awood m/xigeen Mudane C/casiis maxamed.

6-Mudane rashiid Xaaji