Kulanka Wadatashiga DFI,Xukuumada iyo Shacabka Deegaanka Laguna lafagurayo Qorshaha Kobaca Dhaqaale iyo Isbedelka 2aad ee GTP2 oo Galay Maalintii 2aad.

Jigjiga(CN) Talaado July-22-2015. Fagaarayaasha wadatashiga qaybaha kala duwan ee bulshada iyo xukuumada DDSI waa hirgalinta horumar waara oo dhinac kasta leh si simana u wada gaadha bulshada.Waxaa maalintii 2aad galay kulan waynihii wada tashiga shacabka deegaanka ,xukuumada DDSI iyo DFI kaasoo lagu gorfaynayo hirgalinta qorshaha koboca dhaqaalaha iyo isbadalka 2aad ee GTP2ga iyo sidoo kale natiijadii ka soo baxday hirgalintii GTP1.

Kulankan oo ka kala socda hoolalka shirarka ee Qaryaan Dhoodaan iyo Hoolka shirarka ee Sayid MCX, ayaa waxaa kala hogaaminaya madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wasiirka wasaarada arimaha federalka JDFI Dr sheferow tegle mariam, halka ay qaybta kale hogaaminayaan afhayeenka golaha baarlamaanka DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamed Rashiid isaaq iyo wasiir ku xigeen ku xigeenka wasaarada maaliyada iyo horumarka dhaqaalaha JDFI mudane Ahmed Shide.

Haddaba iyada oo kulan waynahan dib loogu milicsanayo habkii fulineed ee loo hirgaliyay qorshihii koboca dhaqaalaha iyo isbadalka 1aad GTP1ka laga faa’iidaysanayo khibradihii waayo aragnimadii laga bartay qorshahaasi islamarkaana laga tashanayi gufaynayo meelihii uu guldaloolooyinka ka lahaa, ayaa waxaa si wada jir ah loo qaadaa dhigayaa fulinta habraacyada hiigsiga hirgalinta qorshaha shanta sano ee koboca dhaqaalaha iyo isbadalka 2aad ee GTP2 ga, kaasi oo ah mid lagu karaar galinayo in uu wadanku si dhaw ugu biiro, wadamada uu dhaqaalahoodu dhex dhexaadka yahay.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo aad uga warbixiyay sidii uu deegaanka soomaalida itoobiya uga hirgalay qorshihii Kobaca dhaqaale ee GTP1 ayaa sheegay in dhamaan waayo aragnimadii iyo gashiyadii kala duwanaa ay Gundhig u noqon doonaan hirgalinta GTP2.

Wasiirka wasaarada arimaha federaalka Dr sheferew ayaa maanta soo bandhigay qotobo cilmiyaysan oo saldhig u ah hayaanka qorshaha GTP2ga, kuwaasi oo ay ka mid yihiin, xoojinta jihooyinka horumarinta wax soo saarka beeraha oo ah mid casriyaysan, iyada oo laga faa.iidaysanayo wabiyada iyo dooxooyinka dalkeena, iyada oo xooga la saarayo abuuritaanka iyo horumarinta warshadaha, lana kobciyo tirada iyo tayada suuqgaynta wax dhoofinta.

Wuxuuna wasiirku sheegay in ay ujeedooyinka ugu waawayn ee diirada la saarayo qorshaha GTP2ga ay ka mid yihiin;- yoolasha sii wadida xoojinta koboca dhaqaalaha oo dhankasta leh loona siman yahay lana joogteeyo, xoojinta qaabdhismeedka kaabayaasha dhaqaalaha sida warshadaynta beeraha iyo engineeriga kuwaasi oo lala tartan siiyo kuwa ugu horeeya caalamka, awoodsiinta oo si dhabka loo xaqiijiyo, habka fulinta cududa shaqaalaha oo la xoojiyo, xoojinta iyo horumarinta nidaamka dawliga ah oo fuliya nidaamka hawlaha horumarka, xoojinta iyo awood’siinta haweenka iyo dhalinyarada, sii xoojinta maalqabeenada hantiilayaasha ka soo bixi kara kaalintooda kaga aadan si dhaw u gaadhida dhaqaale buuxa. Haddaba, qododaban maanta sida wada jirka ah loo qorfaynahay oo ahaa kuwa aad u badan oo cilmiyaysan islamarkaana aan lagu soo koobi Karin hal qoraal ayaa waxaan dib idiinka soo tabinaynaa ujeedooyinka kale oo qarshaha GTP2ga.

Isku soo wada xooriyoo dalkeena itoobiya ayaa 10 sanno ka hor u jiray 10ka wadan ee aduunka ugu saboolsan, islamarkaana dhigtay xiligaasi qorshe ah in uu wadanka itoobiya si dhaw ugaga mid noqdo 10ka wadan ee aduunka ugu horeeya ee uu dhaqaalahoodu dhex dhexaadka yahay, waana taasi tan keentay in uu hadda ku socda xawaare xawliya oo ah sidaw u gaadhida wadamada uu dhaqaalahoodu dhex dhexaadka yahay.