Jaaliyadda DDSI ee BENELUX oo Qabatay Xaflad Balaadhan oo Lagu Taageerayay Dhismaha Xukuumada 5ta sano ee Soo Socota.

Benalux(CN) Talaado July-22-2015.Todobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa kalfadhigoodii 1aad isugu yimid xildhibaanada cusub ee Deegaanka 5ta sano ee soo socota kuwaasoo ah golihii 5aad ee DDSI laga soo bilaabo xukuumadii ugu horaysay iyo tan maanta laga soo doorto Deegaanka soomaalida itoobiya.kalfadhiga ayaa lagu doortay Madaxwaynaha DDSI,Afhayeenka Baarlamaanka,Golaha Capinetka(fulinta),Hantidhawrka Guud,Gudoomiyaha Maxkamada Guud,Wakiilada DDSI u matala Golaha Federationka DFI,Garsoorka iyo 59 Garsoore.

Hadaba iyadoo inta badan jaaliyaadku munaasabado ay ku taageerayaan go'aanada ka soo baxay kalfadhiga 1aad ee baarlamaanka deegaanka ee hogaaminta 5ta sano ku qabteen wadamada ay kala joogaan ayaa waxaa xaflad aad loo soo agaasimay ay jaaliyada Benelux Qabsadeen taasoo lagu taageerayay Go'aanadii baarlamaanka DDSI ku doorteen hogaaminta 5ta sano oo ay ugu horeeyaan madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Afhayeenka baarlamaanka DDSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq.

Hogaanka jaaliyada Benelux ayaa wuxuu yidhi waa go,aan geesinimo leh in xisbigu markii labaad ay doortan madaxweynaha DDSI iyo Afhayeenka baarlamaanka ahna Gudoomiyaha XDSHSIiyagoo taasoo tusaale cad u ah ka jawabista rabitaanka shacabka deegaanka oo ah inuu madaxweynaha hogaanka kusoo noqdo marlabaad maadaama 5tii sano ee lasoo dhaafay intii xukuumada uu hogaanka hayay madaxwayne CMC ku talaabsatay horumar,Ngalyo,maamul suuban,Maalgashiga,Fursadaha Shaqo abuurka,Dibudejinta iyo Xidhiidhka Qurbajoogta. Dhanka kale waxaa xafladan lagu sagootiyey gudoomiyahii hore ee jaaliyada DDSI ee Benelux mudane Mohamed Cabdi Gurxan iyadoona lamagacaabay oo xilkii jaliyadana lagu warejiyey gudoomiyaha cusub ee jaaliyadda DDSI ee BENELUX (Belgium, Netherland iyo Lexambourg) Mudane Ahmed Mukhtaar .

Waxay sidoo kale jaaliyadu ay  umahadcelinaysaa wasiirka dakhliga DDSI mudane Axmed maxamed shugri oo khadka talefonka kaga qaybqaatey xafladan isaga oo warbixiyey xaaladaha uu hada degaanka marayo iyo guud ahaan dalka.