Kusimaha wasiirka caafimaadka DDSI oo Aqoon Iswaydaarsi iyo Iskaashi Dhinaca Caafimaadka u Tagay Ugandha Ayaa Kulan La Qaatay Qurbajoogta Ku Sugan Dalkaas Dibna ugu Soo Laabtay Jigjiga.

Jigjiga(CN) Arbaco July-29-2015.Ku-simaha wasiirka caafimaadka DDSI ahna kuxigeenka mudane Cabdifataax Siciid oo ay wehelinayaan masuuliyiin ka socoday degaanada dalka ayaa socdaal shaqo u tagay dalka  Uganda socdaalkaasi oo ay ujeedadiisu ahayd aqoon is- waydaarsi ku salaysnaa dhinaca caafimaadka gaar ahaan cudurdilaacyada isagaga goosha qaaradaha iyo soohdimaha.

aqooniswaydaarsiga dalalka Afrika isugu yimaadeen oo aad looga dooday wadashaqayntaa hay’adaha heer caalami eek u shuqlan dhinaca caafimaadka iyo wasaaradaha caafimaadka ee dalalka bariga Afrika ayaa markii ay aqoon iswaydaarsigaasi u dhamaaday kana soo saareen arimo muhiim u ah iskaashiga iyo wada shaqaynta caafimaadka ayaa uu Wasiir kuxigeenka Caafimaadka DDSI ahna Kusimaha Wasiirka uu kulamo kula qaatay Qaybaha qurbajoogta ka soo jeeda DDSI eek u nool dalkaasi.

Kulankaasi oo ka dhacay hoolka safaarada itoobiya ku leedahay wadanka Uganda ayaa waxay masuulka iyo qurba joogtu ku gorfeeyeen hawlaha shaqo iyo xidhiidh ee jaaliyada laga sugayo sidoo kalana warbixino iyo xogwaran ku saabsanaa Horumarka,N/galyada<maamulka suuban iyo xidhiidhka isku waydaarsad een.

 Mudane cabdifataax siciid ayaa qurba joogta u soo bandhigay warbixin ku sar go'an xaalada dhabta ah iyo xaqiiqda horumarineed iyo fursadaha maalgashi ee ka jira deegaanka iyo waliba dadaalada ay xukuumadu ugu jirto sii xoojinta xidhiidhka qurba joogta DDSI meel kasta oo ay joogaan   wuxuuna u soo bandhigay qurba joogta doorka kaga aadan ka qaybgalka hawlaha horumarka kuna booriyay in ay si buuxda u maalgashadaan dalkooda iyo deegaanka kooda. 


Dhankooda qurba joogtan u dhalatay deegaanka ayaa si wayn u bogaadiyay horumarka xawliga ah ee ka tisqaaday DDSI uguna mahad naqeen xukuumada DDsi talaabooyinka hore u socod iyo guulaha dhinac kasta leh ee ay xukuumada u soo hoysay shacabka DDsi, waxayna balan qaadeen in ay ka soo baxayaan kaalintooda kaga aadan hirgalinta horumarka buuxa.