Ramadan Kariim 



 

      

Xeerilaalinta Guud oo dacwad ku soo oogtay Craxmaan macalin ilyaas(Bootaan)Kana Hor Akhrisay eedaymaha Maxakamada Horteeda.

Jigjiga(CN) Khamiis August-6-2015.waxaa hubaala in laga wada dheregsan yahay dhaqamada iyo falalka wajiyada badan ama wajiyada dadban ee uu isticmaalo Bootaan kuwaasoo danbiyadiisa aan la kala guri karin ee uu ka galay Dalka,Deegaanka iyo wadamo kalaba.

C/raxmaan macalin ilyaas oo loo yaqaan Bootaan ayaa ku magacawnaa ururka horumarinta soomaalida itoobiya ee xaruntiisu tahay magaalada jigjiga inkastoo maahmaah hore tiraahdo gacantii waxqaadka barataa hadii la gooyana gumudkaa dhaqdhaqaaqa Craxmaan bootaan ayaa ku habsaday sida ilo xogogaal ah aanu ka helnay miisaaniyadii UHSI ee taburaacaadka ahayd looguna talogalay in bulshada  wax loogu qabto.

Bootaan ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii uu xafiiska kahortaga Musuqa DDSI ku  soo eedeeyeen in Xafiiska ururka horumarinta soomaalida itoobiya uu ka lunsaday hanti isugu jirta aduun lacageed oo dhan 3Milyan oo Eth.Bir ah iyo Qalab inkastoo uu Bootaan ka qirtay kaliya in uu lunsaday lacag dhan 894000.70senti(Sideed boqol sagaashan iyo afarkun.todobaatan senti). walow hadana ay jiraan kiisas kale oo ay muwaadiniin kaga dacwoodeen Dhibaatooyin uu ku sameeyay C/raxmaan bootaan si ula kac ah u soo dhawaysteen Xeer ilaalinta guud ee DDSI.

Dhanka kale waxaa dacwad ku soo oogtay C/raxmaan macalin Ilyaas Bootaan sida baadhaha iyo boolisku noo sheegeen (gabadh lagu magacaabo xaliimo axmed Cumar da'deeduna tahay 28 jir islamarkaana uu si ula kac ah baabuur Hilux oo taarikadiisu ahayd 35-4578 uu watay ugu jiidhay Wadada NOC ee magaalada jigjiga xili ay saacadu ahayd 12:30 duhurnimo taariikhduna 8/7/2007.taasoo dhaawac aad u culus ka soo gaadhay Lugaha siiba aaga ay dumarku u yaqaanaan Macdanta sida dhakhaatiirtu cadaysay.

 

Sidoo kale dacwad kale oo soo jiitantay labadii sano ee ugu danbaysayba ayaa labo gabdhood oo ay galmo ka baxsanayd sidii heshiisku ahaa uu kula kacay C/raxmaan bootaan kuwaasoo ku andacoonaya in ay dheeri ahayd inuu camerad kaga duubo falalkii galmo ee ka dhacay sariirta mar uu wariyaha ilqoodhku wax ka waydiiyayna mid ka mida labada gabdhood oo naga codsatay in aan magaceeda la sheegin ayaa tidhi Heshiis ayaanu ku ahayn inaanu isku nafisno oo micnuhu yahay wada galmoono laakiin walaal waxaa uu meel kaga dhacay sharaftaydii gabadhnimo oo filimaanta xunxun ee la daawado oo kale uu iiga duubay markaan qabsadayna wuxuu afbuuxa iigu yidhi naa ha iswaaline waan ka ganacsadaaye Filimkan qolo ayaan ka iibin xisaabtaadana waad heliye iga aamus oo shaqada ha igaga ciyaarin.

isku soo wada duuboo C/raxmaan macalin ilyaas(Bootaan) ayaa ay xeerilaalinta guud ka hor akhrisay maxkamada nuqulada dacwadaha uu ku eedaysan yahay C/raxmaan macalin ilyaas(Bootaan) Dacwado ka kooban Musuq uu xafiiska musuqa DDSI ku soo oogay,Gabadh uu baabuur jiidsiiyay oo laxaad beeshay iyo Dacwad galmo la duubay oo ay labo gabdhood ku soo oogeen.

 Wixii ka soo baxa falalkan lagu eedeeyay Craxmaan Bootaan dib kala soco wixii faahfaahin ka soo baxa.