CIID MUBAARAK



 

      

Madaxwaynaha DDSI Iyo Gudoomiyaha Xisbiga DDSI Oo Ka Qayb galaya Shirka Golaha Dhexe Ee EPRDF.

Addis Ababa(CN) Khamiis-06-Agus-2015, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Gudoomiyaha Xisbiga ahna Afhayeenka Baarlamanka DDSI Mudane Maxamed Rashiid Isaaq ayaa Ka qaybgalaya Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Dhexe Ee EPRDF.

Shirkan ayaa ka dhici doona magaalada Addis Ababa kaasoo bilaabmaya maalinta fooda inagu soo haysa ee Jimacaha oo ku aadan 7 bisha August.Shirkan Golaha Dhexe ee EPRDF oo 6-dii biiloodba hal mar laqabto ayaa diirada saara fulinta waxqabadka qorshihi GTP1, Arimaha xisbiga, Maamulka suuban iyo Diyargarawga Shirweynaha 10aad ee Xisbiga EPRDF.

 Faahfaahinta shirarkan dib kala soco wararka CakaaraNews.