Ramadan Kariim 



 

      

Kulan Lagu Gorfaynayay Sii Xoojinta iyo Kor Qaadida xidhmaka Maamulka suuban, Adkaynta Nidaamka cududa shaqada, ku shaqaynta BPR, BSC oo maanta ka dhacay xarunta deegaanka ee jigjiga.

Jigjiga(CN) khamiis August-6-2015.Si natiijo wanaagsan oo cilmiyaysan looga keeno fulinta yoolasha iyo  istaraatajiyadaha qorshayaasha horumarineed ee ay tajisatay xukuumada DDSI, ku weeda dhaw dhexe iyo dheerba, ayay tahay in markasta fahan buuxa laga siiyo hoogaaminta heerarkeeda kala duwan caqiidda adag ee fulinta qorshyaashaasi iyo heerarka ay ka taagan yihiin hay’ada dawladu, ku shaqaynta iyo dhaqan galinta dhamaan habraacyada fulinta qorshe ku shaqaynta.

Haddaba, waxaa maanta ka dhacay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka ee e magaalada jigjiga, kulan lagu lafa gurayay, adkaynta iyo xoojinta xidhmaha  maamulka suuban, dhaqan galinta baraamijka BPRka, barnaamijka shaqada iyo nidaamka cududa ciidanka isbadalka horumarineed iyo waliba axdiga muwaadiniinta.

Kulankaasi oo uu soo diyaariyay xafiiska adeega shacabka iyo kobcinta awooda  maamulka DDSI ayaa ka soo qaybgalay madaxwayne ku xigeenka DDSI  ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid haayir xasan, wasiirka adeega shacabka iyo kobcinta awooda maamulka DDSI marwo Maajida maxamuud maxamed, golaha wasiirada DDSI iyo waliba qaybo ka mid ah shaqaalaha xafiisyada heer deegaan.

Waxaana furitaankii kulankaasi ka hadlay madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane mawliid haayir xasan, oo si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada kulanka  kana  warbixiyay  yoolasha iyo istaraatajiyadaha qorshayaasha horumarineed ee ay xukuumadu dajisatay iyo habraacyada fulineed ee loo marayo hirgalinta qorshyaashi, isaga oo  sharax dheer ka bixiyay doorka uu ku leeyahay fulinta qorshayashasi, xafiiska adeega shacabka iyo kobcinta maamulka DDSI iyo sidoo kale doorka  ay ku leeyihiin nadiijada naqsi ahaaneed iyo mida hay’adaha dawliga ah si ay shacabka deegaanku meel kasta oo ay joogaan u helaan adeeg hufan oo deg deg ah,

Waxaa kale oo furitaankii kulankaasi, warbixin  dheer ka soo jeedisay wasiirka adeega shacabka iyo kobcinta awooda maamulka DDSI marwo maajida mahamuud maxamed, sheegtayna  in xafiiska  oo ka duulaya meel marinta hirgalinta qorshyaasha horumarineed ee u dajisan xukuumada DDSI uu markasta dabagal iyo kormeer ku sameeyo heerka ay taagan tahay fulinta qorshyaashasi.

Waxayna, wasiiradu soo bandhigtay warbixint ku qotonta natiijada   heerka ay xafiisyada deegaanku, degmooyinka iyo tuulooyinkuba  ka taagan yihiin, fulinta awaamiirtii, la kala qaatay ee ku salaysnayd, hirgalinta iyo adkaynta  maamulka suuban, barnaamijka dib u habaynta, geedi socodka shaqo ee BPRka, nidaamka dhismaha ciidanka isbadalka horumarineed ee sanadkii 2007TI.

Waxaa, kale oo ay sheegtay wasiiradu, in kulankani inta uu socda lagu  gorfayn doono jihooyin midaysana laga qaadan doono sixitaanka gol daloolooyinkii ka muuqda fulinta qorshayashi xafiisyada iyo xafiisyada dhigooda ah ee heer deegaan, si  cudud xoogan oo midaysan ugu gudubno hirgalinta qorshaha koboca dhaqaalaha ee jaan’qaadka 2aad GTP2 ee uu wadanku si dhaw ugaga mid noqonayo wadamada ugu horeeya kuwa uu dhaqaalahoodu dhex dhexaadka yahay, xoojinta iyo kor u qaadida rifoomkii hore loo galay korna loo qaado hirgalintiisa, in loo diyaar garoobo rifoomka cusub, ee laga hirgalinayo deegaanka mudnaanta leh ee sida BCS, ee axdiga muwaadiniinta lagu fulinayo GTP3ga qaan qaadka 2aad.

Isku soo wada xooriyoo xafiiska adeega shacabka iyo kobcinta awooda DDSI oo kaashanaya xafiisyada deegaanka sanadkan guul mug leh ka gaadhay diyaarinta gashiyada kala duwan ee hay’adaha dawladu u baahan yihiin, iyo hirgalinta habraacyada tilmaamayaasha (quick wins) awood siinta koboca fahanka hogaaminta iyo shaqaalaha barnaamijka maamulka suuban,

 Kulankaasi oo ah mid soconaya mudo 2 maalmood ah, ayaa waxaa cashiro ka bixinaya khabiiro ka socda xafiiska adeega shacabka iyo maamulka DDSI