CIID MUBAARAK



 

      

Kulan lagu Falanqaynayay kobcinta Goobaha Dalxiiska iyo Ku-xigeenka Madaxwaynaha DDSI oo Furitaankii Ka hadlay.

Jigjiga(CN) Jimce August-7-2015.Waxaa Shalay ka dhacay Xamda Hotel kulan balaadhan oo ay ka soo qaybgaleen Madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka Waxbarashada Mudane Mawliid Haayir,Wasiir Ku-xigeenka xafiiska Xidhiidhka Arimaha Dawlada,Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Baashe Cabdi ,Maareeyaha Guud ee ururka Horumarinta Dalxiiska DFI Ato Solomon Tadese,Deegaanka Hererida,Maamulka Diredawa iyo Khabiirada Xafiiska waaxaha Dalxiiska iyo Dhaqanka.

Mudane mawliid haayir oo furay shirka ayaa ugu horayn mahadnaq balaadhan u fidiyay ka soo qaybgalayaasha iyo madaxda heer federal ee soo qabanqaabisay in uu kulankan qiimaha balaadhan u leh deegaanka uu qabsoomo isagoona tilmaamay in kobcinta ilaha dalxiisku yihiin guulo wax ku oola oo lagu gaadhi karo isbedel kobac dhaqaale.

Ku-xigeenka madaxwaynaha ayaa sheegay in Deegaanka soomaalidu leeyahay goobo badan oo taariikhi ah iyo duurjoog badan oo u bahaan daryeel iyo xanaanayn kuwaasoo soo jiidan kara dalxiisayaasha dhaqaalana soo galinaya dalka xukuumad ahaana ay kaalin xoogan ka qaadan doonaan xafiiskana taageero laga siin doono.

Ku-xigeenka wasiirka xafiiska Xidhiidhka Arimaha Dawlada,Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Baashe Cabdi ayaa isagu sheegay in dalxiisku yahay laan ka mida kor u qaadida dhaqaalaha dalka islamarkaana DDSI ay leedahay Goobo iyo duurjoog noocyo badan oo soo jiidan kara dalxiisayaasha sida maroodiga,dabataagta,Shimbiraha,Dhagaxa Baabili,Deerada iyo beeraha Erer iyo kuwabiyada.

Mudane baashe ayaa intaa ku daray in Xafiisku uu isu diyaarinayo qabanqaabada iyo martigalinta todobaadka dalxiiska ee 18ka bisha maskaram oo ka dhici doona magaalada jigjiga islamarkaana loo baahan yahay in fursadan aynu uga faaiidaysano sidii aynu u soo bandhigi lahayn goobaha dalxiiskeena,ataarta taariikhda iyo waxyaabaha soo jireenka ah ee aynu caanka ku nahay sidoio kale Duurjoogta iyo ugaadha uu deegaankeenu hodanka ku yahay.

Dhanka kale Maareeyaha Guud ee ururka Horumarinta Dalxiiska DFI Ato Solomon Tadese ayaa sheegay in kulanka maantu yahay mid diirada lagu saarayo kobcinta dalxiiska iyo soo bandhigida waxyaabaha ku haboon dalxiiska ee Deegaanka soomaalida,hererida iyo diredawa laga helo si aqoon kororsi la isu waydaarsado.

Mudane Solomon ayaa sheegay in sanadka 2008.T.T.I Ururka horumarinta Dalxiiska Itoobiya u qabatay qorshayaal badan loo qabtay sidii dalxiiska deegaanka loo kobcin lahaa islamarkaana daraasaadyo dhab ah looga samayn lahaa.

Kulankan ayaa waxaa ay Xafiiska Xidhiidhka Arimaha Dawlada,Dhaqanka iyo Dalxiiska DDSI iyo Ururka horumarinta DalxiiskaDFI ku kala saxiixdeen Memorandum of Understanding taasoo ay u kala saxiixeen wasiir kuxigeenka Mudane Baashe Cabdi iyo Maareeyaha Mudane Solomon Tadese.