CIID MUBAARAK



 

      

Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna Wasiirka Waxbarasha DDSI oo Ku Marti Qaaday Gurigiisa Maanta Ururka Dhalinyarada SEDYO-SWEDEN.

Jigjiga(CN) Axad August-8-2015.Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna Wasiirka Waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan ayaa maanta gurigiisa hadhimo sharafeed ugu sameeyay qaar ka mida qurba joogta u dhalatay deegaanka gaar ahaan hogaaminta sare ee ururka dhalinyarada SEDYO Sweden oo booqasho ku joogay jigjiga.

 

Qadadii ka dib ayaa Madaxwayne ku xigeenku u mahadceliyay dhalinyarada islamarkaana si qoto dheer uga warbixiyay doorka ay qurba joogta DDSI ku leeyihiin hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee qabsoomay shantii sano ee aan soo dhaafnay, isaga oo shegay in ay maalgashi badan ka samaysteen deegaanka iyaga oo ka faa’iidaysanaya fursadaha horumarineed ee deegaankeenu hodanka ku yahay, si mug lehna uga qaybqaataan howlaha horumarka nabadgalyada.

 

Madaxwayne ku xigeenka  oo sii wata hadalkiisa yaa sheegay in ay xukuumada DDSI markasta diyaar u tahay soo dhawaynta walaalahooda qurba joogta ah kuna booriyay in ay si mug leh uga qaybqaataan hirgalinta qorshayaasha koboca dhaqaalaha ee jaan’qaadka labaad GTP2ga si dii ay kii horeba uga qayb qaateen.

 

Gudaamiyaha, Ururka Dhalinyarada SEDYO Swedan mudane Maxamed Hasan (Huways) ayaa si durugsan ugu mahad celiaya madaxwayne ku xigeenka DDSI ee ku casuumay hadhimo sharafeedkan, siwayna ugu mahad celiay guud ahaanba xukuumada DDSI sida qotoda dheer ee ay ugu soo dhaweeyeen deegaanka  iyo sida ay markasta xukuuamda DDSI u xoojiso xidhiidhka qurba joogta  iyo kor u qaadida koboca dhaqaalaha deegaanka wuxuna sheegay gudoomiyuhu in ay si balaadhan ugu baraarugsan yihiin ka qaybgalka hawlaha horumarka nabadglayada ee sida xawliga ah uga socda deegaanka