Ramadan Kariim 



 

      

Munaasabada Maalinta Qurbajoogta Dalka Loo Aqoonsaday oo ka Dhici Doonta Magaalada Addis-ababa Nahase 6-10-2008.

Addis-Ababa(CN)Arbaco August-12-2015.Waxaa markii ugu horaysay taariikhda dalka la xusi doonaa maalinta Qurbajoogta Dalka itoobiya (Ethiopian Diaspora Day) oo ay ka soo qaybgali doonaan madaxda ugu saraysa DFI,9ka Deegaan, Safaaradaha, Marti sharaf iyo Qurbajoogta ka soo jeeda ethiopia ee ku kala sugan dalka gudihiisa iyo dalalka dibada.

Jaaliyaadka Qowmiyadaha ee dalalka dibada ku nool ayaa ku sii qulqulaya magaalada addis-ababa kuwaasoo maalintan farxad aad u wayn u haya ka qaybgalkeeda.

Qurbajoogta Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo lagu amaano in ay ka mid yihiin hormuudka qowmiyadaha maadaama ay kaalin buuxda ka qaataan hawlaha qaranka iyo abaabulka ka qqaybqaadashada biyoxidheenka wabiga abay iyo maalgashiga ayaa ka mida Qurbajoogta ka qaybgali doonta munaasabadan kulminaysa dhamaanba Qurbajoogta DFI iyo madaxda ugu saraysa DFI iyo 9ka Deegaan.

Xafladan balaadhan ayaa bilaabmi doonta Bisha Nehase 6deeda socon doontana ilaa 10kaaa Nehase.