CIID MUBAARAK



 

      

Madaxwayne CMC Iyo Booqashadii Goobaha Taariikhiga ah Ee Tigray

Maqale(CN) Talaado, 25ka August, 2015, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftidii uu hogaaminayay oo uu weheliyo Janaraalka Guud Ee Ciidamada Difaaca Qaranka mudane General Samora iyo mas'uuliyiin kale ayaa saaka booqasho saacado kooban qaadatay ku gaadhay goobihii taariikhiga ahaa ee Boqor Najaashi masaajidadii iyo goobo kalaba iyadoo goobaha qaar ay dhismayaal dayactir ah kasocdeen.Goobtan oo ahayd goob qadiimi ah qarniyo badana jirtay.

Waxaa intaa dheer, in madaxwaynaha iyo waftigiisa oo uu horkacayo janaraalku ay horaantii shalayna booqasho tan lamid ah kusoo mareen Aksum oo iyana ah magaalo qadiimi ah lehna qasriyo iyo taalooyin caan ah oo ay kamid tahay taaladii Aksum. Goobo badan oo taariikhi ah oo kaladuwan waxyaabo badan oo qadiimi ahna yaalaan ayayna halkaa kusoo arkeen.