CIID MUBAARAK



 

      

Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska Xidhiidhka Arimaha Dawlada iyo Wafti Sare oo Ka Socday Wasaarada Dalxiiska iyo Dhaqanka DFI oo Maanta Kormeer Ku Tegay Goobaha Dalxiiska ee Degmada Danbal.

Danbal(CN) Arbaco-August-26-2015.Sidaynu wada ogsoonahay waxaa uu deegaanku martigalin doonaa xuska heer caalami ee todobaadka dalxiiska oo markii 28 in lagu xuso DDSI loo aqoonsaday iyadoona ay maalintan ka soo qaybgali doonaan madaxda ugu saraysa DFI,madaxda ugu saraysa DDSI,safaaradaha caalamka u fadhiya addis-ababa,maalgaliyayaal iyo martisharaf ka kala imaan doonta dalalka deriska iyo hay’adaha deeqbixiyayaasha aduunka.

Hadaba wafti ka koobnaa xafiiska xidhiidhka arimaha dawl,Dhaq iyo dalxiiska oo uu Hogaaminayay wasiir Kuxigeenka mudane Baashe Cabdi iyo wafti heer federal ah oo uu Hogaaminayay Agaasinka Guud ee Xidhiidhka Heer caalami u Qaabilsan wasaarada Dhaq,iyo dalxiiska DFI Ato Getinet ayaa laga soo bilaabo shalay ku guda jira kormeerka goobaha dalxiiska ee uu Deegaanka soomaalida itoobiya leeyahay kuwaasoo loo xushay in wufuuda kala duduwan ee xuska todobaadka dalxiiska ka soo qaybgali doonta ay booqan doonaan taasoo fursad dahabi ah u noqon doona DDSI si khayraadka dalxiiska iyo goobaha taariikha deegaanka ahba loo aqoonsado si indhaha DFI iyo caalamkuba u arkaan.

Saaka aroortii ayaa uu waftigu ka soo ambabaxay magaalada jigjiga iyagoo soo maray wadada tooska uga soo baxda jigjiga ee isku xidha degmada danbal oo waayadii hore cakirnaan jirtay wareeg dheer oo ilaa diredawa ahna loo soo mari jiray balse mar uu madaxwaynaha DDSI mudane CMC uu socdaal ku tegay arkayna dhibaatada wado la’aan ee haysata Danbal si degdeg ah jawaab cad uga bixiyay ka jawaabista codsiga bulshada mudo gaabana lagu hirgaliyay samaynta wado isku xidha jigjiga iyo Danbal oo ay shacbku kaga nasteen soona afjartay wado xumadii iyo wareegii dheeraa ee ay la kulmi jireen.

Waftiga ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Degmada Danbal mudane Abuukar C/casiis Xuseen iyagoona ka wada hadlay khayraadka dalxiiska ee ay degmadu caanka ku tahay sidii loo ilaashan lahaa islamarkaana loogaga faaiidaysan lahaa maadaama ay Dawlada iyo bulshadaba dakhli ka soo gali doono Dalxiisayaasha caalamka iyo dalka ee booqashada ku imaan doonaa si looga midho dhaliyo qorshayaasha GTP2 ee ku aadan Kobcinta Ilaha Dakhli ee goobaha dalxiiska,dhaqanka,taariikhda iyo ugaadha.

Intaa ka dib waxaa ay waftiga iyo maamulku u ambabxeen Qabalaha Araabi oo ah Goob dihin oo ku haboon goobaha dalxiiska oo aan hore loogu arag Dalka maadaama ay leedahay Biyo dabiici ah oo kululislamarkaana daawo ahaan looga soo raadsado Dalka iyo Deeegaanka intiisa kale sidoo kalana wadamada deriska ah.

Dhanka kale goobtan oo la xaqijiyay inuu hore Volcano uga qarxay ayaa kaga duwan dhawr goobood oo dalka ka jira waxyaabo badan sida dooxada biyaha kulul ee araabi oo ka kooban dhawr nooc oo ay ka mid yihiin buuraha iyo qorofyada Toga oo leh ilo ay ka soo burqanayaan Biyo kulul oo ay dadku dawo ahaan u soo raadsadaan,durduro biyo milix ah oo ay xooluhu ku jeel baxaan,nooca dhirta Dhuurta loo yaqaan oo sida qudhaca uga baxda.

Waxyaabaha kale ee mucjisada ay khabiirada iyo madaxda heer federal aadka ula fajaceen ayaa ahayd in Dooxadan ay leedahay dhul  Bermuda oo kale ah wixii u dhawaadana la degaysa oo aan dib loo arkayn taasoo mucjiso kale noqotay kuna sababeeyeen in macdan iyo minerals noocyo badan laga heli karo.

Sidoo kale dhismayaal hore iyo xabaalo ay ku noolaayeen dad dhererkooda lagu qiyaasay 4 mitir islamarkaana habeenkii iftiinta oo kaaheeda laga soo arko fogaan dheer laguna tilmaamay in 10ka mucjiso ee Dalka ka jira ku noqon doonto mucjisadii 11aad.

Waxaa intaa dheer waxaa wadada isku xidha Degmada danbal ilaa Senterka Dhuure ee hoostaga Degmada ayshaca taxan duurjoog noocyo badan oo ay ka mid yihiin Biciid,Godir,saguaro iyo kuwo kale iyadoona hada ka hor xafiiska xidhiidhka arimaha dawlada Dhaqanka iyo dalxiiska DDSI proposal u gudbiyay wakaalada duurjoogta itoobiya in deegaanadan u dhaxeeya danbal iyo ayshaca laga dhigo seerooyinka duurjoota(Park).

Isku soo wada duuboo waftiga oo aad uqa maqsuuday khayraadka dihin ee DDSI xaqiijiyayna in dhaqaalaha ugu badan laga soo xarayn karo hadii si cilmiyaysaaan looga hawlgalo ayaa diredawa ku soo hoyday islmarkaanka aroorta u ambabixi doona Degmada ERER.