CIID MUBAARAK



 

      

Kalfadhigii 5aad ee Golaha Xildhigaanada Maamulka Magaalada Jijiga oo Ka Furmay Madasha Shirarka ee xafiiska maamulka.

Jigjiga(CN) Arbaco-August-26-2015. Kalfadhigii 5aad ee golaha xildhibaanada maamulka magaalada jijiga ayaa ka furmay hoolka shirarka ee isla xafiiska maamulka magaalada jijiga.

Furitaankii ayaa Afhayeenka golaha xildhibaanada maamulka magaalada jijiga mudane Xaashi Cabdilaahi shide oo ka hadlay kalfadhigan ayaa si kooban u dulmaray waxqabadkii golaha xildhibaanada maamulka magaalada jijiga, isaga oo sheegay ka dib xaqiijinta tirada golaha xildhigaanada soo xaadirtay oo tiradoodu guud ahaan dhan tahay 75 ay ka soo xaadireen tiro xildhibaan oo dhan 70 sidaasina uu ku buuxsamay kooramkii.

Wuxuuna afhayeenku soo Bandhigay Anjandayaasha horyaala kalfadhigan 5aad ee golaha xildhibaanada Maamulka magaalada jigjiga,taasoo uu sheegay in ay horyaalaan 6 anjande oo kala ah:-

1-ansaxinta hadal qoraalkii kalfadhigii 4aad, 2-ansaxinta xubnaha capinetka  cusub, 3-ansaxinta warbixinta waxqabadkii sanad miisaaniyeedka 2007 ee maamulka magaalada jijiga, 5-ansaxinta miisaaniyada 2008 iyo waliba 6- ansaxinta qorshaha horumarinta maamulka magaalada jijiga qaybtiisii 2aad (ULGP2)

Waxa uu golaha xildhibaanadu dhagaystay warbixinta waxqabadka maamulka magaalada jigjiga ee 2007 oo uu soo jeediyay maayorka maamulka magaalada jigjiga mudane Axmed Maxamuud Axmed, warbixintaasi oo ahayd mid dheeli tiran oo ku sar go’an guulaha horumarineed maamulka magaalada jijiga gaar ahaana kor u qaadida bilicda iyo baaxada caasimada deegaanka ee jijiga kor u qaadida dhinaca wadooyinka adeegyada maamulka magaalada ayaa markii uu golaha xildhibaanadu dhagaysteen su aalana laga waydiiyay maayirka waxa uu galaha xildhibaanadu ku ansaxiyay cod buuxa.