CIID MUBAARAK



 

      

Shirwayneyaashii 4ta Urur Ee EPRDF Kubahoobeen Oo Soo Gabagaboobay Iyo Kii Yehadhig Oo Bilaabmay

Maqale(CN) Khamiis, 27ka August 2015, Waxaa si rasmi ah usoo gabagaboobay shirwaynayaashii 4ta urur ee EPRDF ay kubahoobeen oo mudo 4 cisho ah kala socday magaalooyinka Baherdar, Mekele, Awasa iyo Adama. 4ta urur ee EPRDF kubahowday oo kala ah: TPLF(Ururka Xornimo doonka Shacabka Tigray), OPDO(Ururka Dimoqraadiga Shacabka Oromo), SEPDM(Ururka Dhaqdhaqaaqa Shucuubaha Koonfurta Itoobiya) iyo ANDM(Ururka Dhaqdhaqaaqa Qaranka Amara).

Waxaana hogaaminta 4tan urur inay shantan sano majaraha usii hayaan loo kala doortay mudanayaashan kala ah: Abaay Woldu-Gudoomiyaha Ururka TPLF ee Tigray, Mukhtaar Khadiir-Gudoomiyaha Ururka OPDO ee Oromo, Demeke Mokenin-Gudoomiyaha Ururka ANDM ee Amara, Hailemariam Desaleign-Gudoomiyaha Ururka SEPDM ee shucuubaha Koonfurta Itoobiya.

Sidaa awgeed, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kuhadlay magaca XDSHSI ayaa ugu tahniyadeeyay ururadan waxqabadkii ay muujiyeen sanadihii laga soo gudbay wuxuuna u hambalyeeyay hogaaminta ururadan loo doortay.

kadib dhamaadkii shirwaynayaashan ayaa waxaa si caadi ah ubilaabmay shirwaynihii EPRDF oo lafilayo in lagu qiimeeyo waxqabadkii 5tii sano ee lasoo dhaafay laguna qorshayn doono hawlaha laqabanayo 5ta sano ee soo socota. Uuna hogaamin doono mudane Hailemariam Desaleign.

Waxaana hubaal ah in EPRDF aysan noqonin sidii cadawgu ka filayay inay noqoto oo ahayd inay bur-burto dhimashadii Meles kadib. Balse maadaama uu raisal wasaare Meles ahaa nin dimoqraadi ah wuxuu katagay nidaam lagu sii hogaamiyo wadanka oo aan marnaba liicaynin. Cadaw kastana meel cidla ah diraya.

Ugudanbayna, Raisal wasaare Hailemariam ayaa lafilayaa inuu sii hogaamiyo EPRDF-waa xisbiga talada wadanka hayee.