Ramadan Kariim 



 

      

Dhulkeenu Uma Baahna Bacrimin

Jigjiga(CN) 5tii Sept 2015, Dadaalo farabadan oo ay samaysay xukuumadeenu 5tii sano ee ugu danbaysay ayay kuxaqiijisay in dhulkeenu uusan ubaahnayn bacrimin, beerasho mooyee. Balse caqabada ugu wayn ee jirta ay tahay biyo-la'aan baahsan.

Hadaba si looga baxo biyo-la'aantan baahsan ayay xukuumadu qorshaha 1 ilaa 3 mudnaanta siisay baahida biyaha ee bulshada iyo deegaankaba hadhaysay. iyadoo laamihii kale ee horumarkuna aysan meesha kabixin oo si cilmiyaysan loo garab wado. Waxaana si loo daboolo baahida biyaha loo kala saaray 3 qaybood: in lasoo saaro biyaha dhulka hoostooda kujira, Qabashada biyaha roobka iyo kafaaiidaysiga toggaga, wabiyada iyo dooxooyinka.

Barkado iyo Dhaamam waa wayn ayaa lagu qabtay biyihii roobka si bulshada iyo xooluhuba baahida biyood looga haqab-tiro waana lagu guulaystay. Biyihii dhulka hoostooda kujirayna waxaa loo helay riigag waa wayn oo boqolaal kun oo doolar ay kubaxday oo ilaa 1,500 mitir udiiday biyihii hoos ku kaydsanaan jiray inay halkaa iska fadhiyaan dibadana usoo saaray. Togagii iyo Dooxooyinkiina habka kaydinta iyo leexinta ayaa loo sameeyay si looga faaiidaysto waraabka beeraha. Wabiyadiina ilaa kudhawaad bulsho 200,000 ah ayaa ladul-dajiyay si gurigii Ritiga saarnaa dhulka loo dajiyo. Si aan inaba caadi ahayn ayaana loogu guulaystay. Shacabkii xukuumadu dajisayna waxay heleen biyo nadiif ah, abuur xul ah, matooradii waraabka, tabacii beeraha, daaqii xoolaha, waxbarasho iyo caafimaad intaba. Noloshoodii iyo tii xoolaha ay ku tiirsanaayeen ee geediga kusalaysnaydna waxay dawladu kadhigtay mid sal leh. iyana waxay noqdeen dad waxsoosaar leh oo intay noloshoodii kaafiyeen kaqaybqaadanaya nidaamka koboca iyo isbadalka dhaqaalaha dalka.

5tii sano ee lasoo dhaafay waxay xukuumadu maankii, maskaxdii iyo miisaaniyadiiba galisay siday bulshada deegaanka uga saari lahayd dhibaatada biyo-la'aanta. wayna kasaaratay oo kuguulaysatay ugu yaraan 70%.

Hadaba Mar hadii la inoo xaqiijiyay in dhulkeenu uusan baahnnayn bacrimin sida deegaanada kale, dhibaatadii ahayd biyo la'aantana si dgeg-deg ah la inooga jawaabay oo xukuumadu talo, tabar iyo tiigsiba galisay biyo meel walibana maanta tahay waa shilaabee nin walawba shubo maxaan inteena hadhay dhulka ugu foorarsan la'nahay?

In dhulka labeerto kadibna ladheefsado ma aha mid wakhti badan ubaahan ee waa mid ubaahan oo kali ah in lafoorarsado waayo waraabkii, abuurkii, suuqii iyo meeshii aad beeran lahaydba xukuumada ayaa inoo diyaarisay. wakhtiga lagu dheefsanayana mabadna. Marka maadaama oo cadawgeena koobaad ee maanta uu yahay saboolnimo waxaa xaqiiqa ah inaan kagabixi karo mudo gaaban waase hadii aan dhamaanteen udiyaargarawno inaan dhulkeena dihin ee aan bacrimin inooga baahnayn aan kudhaqaaqno sidaan tabac uga soo saaran lahayn. Balanteenu waa beerasho.

Waxaa tusaale kaaga filan deegaankeena: ninkii daaradiisa kabeeray 100 geed oo . geedkii ugu yaraana ay 67 xabo uga go'day. meesha geedka ugu badan uu 100 xabo kanoqday. Xab-xabka isaga iskaba daa. Tiro malaha.