Xuska Maalinka Ciidanka Hawaarto



 

      

Madaxwaynaha DDSI Oo Kahadlay Cagaf-cagafyo Lasoo Gaday

Jigjiga(CN) Isniin 7dii September 2015, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka intuusan u ambabixin goday kahor kahadlay cagaf-cagafyo 200 ah oo lasoo gaday.

Tiradan cagaf-cagafyada ah ee xukuumadu soo gaday ayuu madaxwaynuhu sheegay in loogu talagalay in lasiinayo dadka danyarta ah ee kafaaiidaysanaya dhul-beereedyada kaladuwan ee xukuumadu uqaybisay shacabka iyo dhulbeereedyada hada togga faafan biyo-xidheenada looga samaynayo si looga faaiideeyo bulshada aagaa dagan.

Tanina waa bilawga hirgalinta qorshaha koboca iyo isbadalka dhaqaalaha ee jaan-qaadka 2,aad, waana qorshe kamid ah qorshayaasha ay xukuumadu ugu talagashay inay bulshada deegaanka kaga saarto saboolnimada oo ah cadawga 1,aad ee maanta kajira deegaanka.