Waftigii Somaliland Oo Maanta Dib Ulaabtay

Jigjiga(CN) Isniin 7dii September 2015, Waftigii balaadhnaa ee kasocday Somaliland ee ay hogaaminayeen Wasiirka Arimaha Gudaha mudane Cali Maxamed Warancade iyo Wasiirka wasaarada Arimaha Dibada mudane Maxamed Biixi Yoonis oo booqasho laba maalmood ah kujoogay xarunta deegaanka soomaalida itoobiya-waa jigjigee ayaa indha-indhayntii mashaariicaha ugu waawayn ee laga fuliyay xarunta deegaanka kadib saaka u ambabaxay dhanka caasimada Somaliland ee Hargaysa iyadoo Madaxwayne ku-xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir, Wasiirka Xeer-ilaalinta iyo Cadaalada Guud mudane Cabdi Jamaal Maxamed Qaloonbi, iyo Maareeyaha Guud ee Wakaalada Dhismaha Hawlaha Biyaha mudane Maxamed Cabdi Waaxid ay kusagootiyeen magaalada xadka ah ee Tog-wajale.