Ramadan Kariim 



 

      

Xafiiska Tababarada Xirfadaha iyo Farsamada Oo Tababar Usoo xidhay Macalimiinta Kuliyadaha

Jigjiga(CN) Khamiis 10ka September 2015, Xafiiska Tababarada Xirfadaha iyo Farsamada(TVET)ka DDSI oo ka duulaya fulinta iyo meelmarinta jihooyinka iyo istaraatajiyadaha horumarineed ee ay xukuumada DDSI u aas aastay oo ahayd in uu si mug leh uga qaybqaato qalajinta saboolnimada iyo jahliga ayaa dadaal xoogan ugu jira ka midho dhalinta iyo hirgalinta qorshayaashaasi.

Haddaba waxaa xafiisku soo gabagabeeyay tababarkan oo socday mudo 15 maalmood ah loona qabtay macalimiinta kuliyadaha kaladuwan ee deegaanka ujeedadiisuna ahayd sii xoojinta nidaamka baris-barasho.

Tababarkan ayaa waxaa usoo xidhay macalimiinta Wasiir kuxigeenka xafiiska.Wuxuuna si qoto dheer uga warbixiyay hayaanka iyo hiigsiga horumarineed ee u dajisan xafiiska taasi oo uu sheegay in qorshaha GTP2ga ay xukuumadu xooga saarayso dhinaca awood siinta tababarada xirfadaha iyo farsamada isagoo tilmaamay ku-xigeenka in madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar marka uu ka hadlayay qorshayaasha iyo jihooyinka xafiiskan uu halku dhig uga dhigay siyaasada TVETku in ay tahay dhiig jooginta saboolnimada taasi oo macnaheedu tahay sidii shacabka deegaanka isticmaalka farsamada gacanta loogaga saari lahaa saboolnimada.

Wuxuuna ku booriyay macalimiintii loo soo xidhayay tababarkan in ay cilmigii iyo faa’iidooyinkii ay kaheleen intii uu socday tababarkan ay si habsan ugu xoojiyaan nidaamka baris-barasho.

Ugu danbayntii ayay macalimiintuna balanqaadeen inay dhankooda kasoo bixi doonaan kaalinta baris-barasho.