Ramadan Kariim 



 

      

MW CMC Oo Dhagax-dhigay Biyo xidheen Qabalaha Waaji'

Jigjiga(CN) Jamce, Septmeber 11, 2015, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka dhagax-dhigay biyo xidheen wayn oo laga samayn doono qabalaha Waaji' ee degmada Jigjiga.

Munaasabadan balaadhan ee dhagax-dhiga biyo xidheenka qabalaha waaji' oo ay si fiican usoo qabanqaabiyeen maamulka gobolka faafan iyo hogaaminta degmada jigjiga oo iskudhafan ayuu madaxwaynuhu kasoo jeediyay khudbad aad muhiim u ah.

Madaxwaynaha ayaa khudbadiisii kusheegay in biyo xidheenkani uu muhiimad wayn uleeyahay dadka dagan degmada jigjiga guud ahaan gaarahaana bulshada qabalaha waaji' iyo nawaaxigeeda oo uu noloshooda wax wayn kabadali doono. Isagoo intaa raaciyay, in biyahan laxidhayo ee qabalahan ay u dhigmaan ugu yaraan 10 barkadood biyahood loona isticmaali doono dhanka waraabka beeraha, cabbida dadka iyo xoolahaba.

Ugu danbayna wuxuu madaxwaynuhu carabka kudhuftay in biyaha sanadkan laqabanayo ay kumanaan jeer ka badnaan doonaan biyihii barkadaha ee sanadihii hore wakhtiga iyo miisaaniyada galaysana kayartahay kuwii barkadaha.