Ramadan Kariim 



 

      

Fariinta Abaabulka iyo Diwaangalinta Waxbarashada Sanadka 2008TI

Jigjiga(CN) Madaxwayne ku-xigeenka ahna Wasiirka Waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan ayaa maanta 22 kooxood oo u kala baxayay 9ka gobol iyo 4ta maamul magaalo kula dar daarmay kaqaybqaadashada abaabulka diwaangalinta waxbarashada maadaama oo aan gaadhnay wakhtigii diwaangalinta waxbarashada.

Dardaarankan ayuu madaxwayne ku-xigeenku usheegay kooxaha baxayay in ay xoojiyaan diwaangalinta iyo u diyaarinta dugsiyada-ubadka da’doodu u dhaxayso 4 ilaa 6 sano waxbarashada barbaarinta caruurta, diwaangalinta iyo u diyaarinta fasalka kobaad-caruurta da’doodu tahay 7sano ee jinsi walba, In dib loogu Diwaangaliyo dugsiyada-ardeyda da’doodu u dhaxayso 7 ilaa 14 sano iyo ardeyda loox tuurka waxbarashada dugsiyada hoose /dhexe fasalada 1-8aad, In dib loogu diwaangaliyo ardeyda da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 18 sano iyo kuwa loox tuurka ah waxbarashada dugsiyada sare ee fasalada 9-12aad, in waxbarashada iskudhafka ah ee dadka waawayn looga fa’iideeyo waayeelka hada ka hor aan helin fursad waxbarasho ee ay da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 60 sano, In caruurta qabta baahida gaarka ah looga fa’iideeyo fursadaha waxbarasho iyo inaan sanadkan lagu arki karin deegaanka hal ilmo ah oo da'da waxbarashada gaadhay balse dibada ka ah.

Hadaba waxaa dhamaan hay'adaha dawliga ah, kuwa aan dawliga ahayn, bulshada rayadka ah iyo cidkasta oo danaynaysa horumarka deegaanka ee heerarka kaladuwan waajib ku ah oo aan la socodsiinaynaa in ay door laxaad leh ka qaataan kaalinta kaga aadan abaabulka waxbarashada sanadka 2008 iyo waliba ka miro dhalinta yoolasha waxbarasho ee ka dal ahaan iyo deegaan ahaanba lagu ciribtirayo saboolnimada kuna higsanayno ka mid noqoshada wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay.