Maamulka Magaalada Jigjiga oo Martiqaad u Fidiyay Qaar Ka Mida Qurbajoogta DDSI.

Jigjiga(CN) Khamiis Sept-24-2015.Maamulka magaalada jigjiga ayaa xaflada qado sharafeed ah u sameeyay qaarka mid ah hogaaminta ururda dhalinyarada qurba joogta DDSI,sida ururka dhalinyarada SEDYO-Sweden, Silent cry, iyo qaarka mid ah gudoomiyayaasha jahliyadaha.

Waxaana ka soo qaybgaly Martiqaadka qadada Mayorka  maamulka magaalada jigjiga mudane ahmed maxamuud ahmed, masuuliyiinta maamulka magaalada iyo shaqaalaha maamulka magaalada jijiga iyo qurba joogtii loo sameeyay xaflada qado-sharafta ah.

 

Munaasabadaasi hadhimo sharafeedka ahayd ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay maayarka maamulka magaalada jigjiga mudane axmed maxamed ahmed maxamuud ahmed   oo ugu horayn sidiiran ugu soo dhaweeyay qurba joogtay xarunta deegaanka iyo guud ahaanba deegaanka kana warbixiyay isbedelada horumarineed,N/galyo iyo maamul suuban ee deegaanka ka taabogalay,qorshayaasha horumarineed ee xukuumada iyo kor u qaadida xidhiidhka wanaagsan  ku wajahan arimaha qurba joogta.

Wuxuuna maayirku si qoto dheer ugu sharaxay qurba joogta qorshayaasha cilmiyaysan ee loo dayijay caasimada deegaanka ee jigjiga ee ku salaysan kor u qaadida bilicda iyo baaxada magaalada iyo isbadalada xawliga ah ee ka socda caasimada deegaanka oo uu sheegay in ay siwayn ula dardamayso caasimadaha aduunka  wuxuuna ku booriyay in ay si meeqaam sare ah ugu qaybqaatan doorkooda kaga aadan gaar ahaan dhinaca maalgashiga.

 Qaarka mid ha qurba joogta u dhalatay deegaanka ee uu maayarku ku maamuusay hadhimo sharafeedkan oo ka hadlayay madashaasi ayaa siwayn ugu mahad naqay guud ahaanba xukuumada deegaanka ee sida diiran ugu soo dhaweeyay deegaanka iyo maayarkan ku maamuusay qado sharafeeda waxayna aad ula dheceen isbadalka horumarineed ee sida xawliga ah uga socda caasimada deegaanka iyo guud ahaanba deegaanka waxayna hoosta ka xariiqeen in qayb ay siwayn uga qayb qaadanayaan hawlaha horumarka ee ka socda caasimada gaar ahaan dhinaca maalgashiga