Xafiiska Hantidhawrka Guud ee DDSI oo Tababar u Qabtay Hantidhawrada.

Tababarkan oo uu soo diyaariyay xafiiska hantidhawrka guud ee DDSI islamarkaana loo qabtay shaqaalaha xafiiska gaar ahaan xirfadlayaasha hantidhawrka ayaa waxa ay ujeedadiisu ahayd mid kor loogu qaadayo awooda iyo garaadka xirfadeed ee hantidhawrayaasha, kaasi oo salka ku haya xoojinta hantidhawrka waxqabadka (Performance Audit)  nidaamka loo hantidhawro mashaariicaha dhismayaasha,Nidaamka dhawrida iibka hantida (procurement audit) xaqiijinta iyo dabagalka Qulqulka Miisaaniyada,  kor uqaadida Xirfada iyo Tabaha Aqooneed ee Hanti-dhawrada Deegaanka.

Waxaana furitaankii tababarka  ka hadlay hantidhawraha guud ee DDSI mudane Aadan kuusow Cali  oo si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada uu leeyahay tababarkan kaasi oo uu sheegay in uu yahay mid kor loogu  qaadayo  Xirfada iyo Tabaha Aqooneed ee Hanti-dhawrada Deegaanka.  wuxuuna  ka waramay istaraatajiyadaha iyo qorshayaasha horumarineed ee u yaala xafiiska hantidhawrka guud ee DDSI.

Hanti’dhawraha guud isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku dheeraaday ahmiyada uu leeyahay nidaamka  hanti’dhawrka waxqabadka (Performance Audit)isaga oo sheegay in uu yahay hab kor loogu qaadayo sii xoojinta koboca dhaqaalaha islamarkaana diirada saaraya hab’raacyada hantiyeed/ miisaaniyeed ee xafiisyada,barnaamijyada, mashaariicaha horumarineed ee dawlada. Wuxuuna ku booriyay xirfadlayaasha hanti’dhawrayaasha  in ay mudada uu socto tababarkani si fir fircooni leh uga qayb qaadaan.

Tababarkan oo socon doona mudo 7 maalmood ah ayaa waxaa cashiradiisa tabinaya khabiiro ka socda xafiiska hantidhawrka DDSI iyo wasaarada hantidhawrka guud ee JDFI.