Xaflad Abaalmarin ah oo Loo Qabtay Shaqaalaha Xafiiska Biyaha DDSI.

Jigjiga(CN)  6.october.2015 Xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI ayaa xaflad abaalmarin ah u qabtay shaqaalaha ka hawlgala xafiiska biyaha, xafladaasi oo ahayd mid si meeqaam sare ah loo soo agaasimay ayaa waxay ahayd mid lagu  abaalmarinayay shaqaalihii hormuudka ahaa ee muujiyay dadaalada ka go’naanshaha fulinta qorshayaasha horumarineed iyo bixinta adeeg siinta  deg dega ah ee dhinaca bulshada.

Xafladaa  ayaa waxay ka danbaysay ka dib markii xukuumada DDSI qabatay xaflada balaadha oo lagu abaalmarinaya xafiisyada, wakaalada, shirkadaha, iskaashatooyinka  iyo shaqsiyaada ka hormuudka ah ee guulo wax ku ool ah ka soo hooyay dhinacyada biyaha iyo beeraha taasi oo xafiiska biyaha DDSI uu noqday mid guulo dhaxal gal ah ka soo hooyay hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee dhinaca biyaha.  oo lagu abaalmarinaya wasiirka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI marwo fartuun cabdi mahadi  oo uu madaxwaynaah DDSI  mudane cabdi maxamuud cumar ku gudoonsiiyay abaalmarin iskugu jirta shahaado sharaf, bilada iyo silsilad dahab ah.

 Haddaba Xafladan uu qabtay xafiiska biyaha oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta ugu saraysa xafiiska ayaa waxaa ugu horayntii ka hadashay wasiirada xafiiska biyaha DDSI marwo fartuun cabdi mahdi waxayna si durugsan u amaantay  uguna mahad naqday shaqaalihii muujiyay ka go’naanshaha iyo kartida dheeriga ah ee fulinta hawlaha shaqada taasi oo hirgalisay in guulo buuxa laga keeno qorshayaashii u yaalay xafiiska. wasiiradu waxaa kale  oo ay  si qoto dheer uga warbixisay hilimooyinka iyo istaraatajiyadaha horumarineed ee u yaala xafiiska ee ku qoto dhinaca horumarinta khayraadka biyaha ka xaqab tirida  bulashada deegaanka helitaanka biyaha nadiifta ah  iyo doorka shaqsi kasta oo ka mid ah shaqaalaha kaga aadan hirgalinta qorashayaashi.

Dhankooda shaqaalihii xafiiska biyaha ee loo qabtay xafladan abaalmarinta ah oo ka hadlay madashaasi ayaa sheegay in ay sii libin laabayaan muujinayaana firfircooni iyo  dadaalo  ku aadan hirgalinta qorshayasha horumarineed, waxayna balan ku qaateen in ay sanadkan 2008TI  ku qabanayaan waxay ku qabteen 5tii sano ee la soo dhaafay.

Ugu danbayntii waxaa ay halkaasi abaalmarino kala duwan   ku gudoonsiiyay wasiirada xafiiska biyaha marwo fartuun cabdi shaqaalihii xafiiska ee hormuudka ku dayashada mudan muujiyay sanadihii ugu danbeeyay.