CIID MUBAARAK



 

      

Liigaga dhalinyarada degmooyinka deegaanka oo tababar looga furay xarunta deegaanka ee jigjiga.

Jijiga(CN) Talaado, 6dii October 2015,Waxaa ka furmay xarunta deegaanka ee jigjiga tababar loo qabtay liigaga dhalinyarada  degmooyinka deegaanka, tababarkaa oo uu soo diyaariyay xafiiska xarunta dhexe ee XDSHSI oo ka dhacay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI ayaa waxaa furitaankiisii ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin  madaxa arimaha siyaasada ee xarunta dhexe ee XDSHSI mudane cumar maxamed, wasiirka adeega shacabka iyo kobcinta maamulka DDSI marwo maajida maxamuud maxamed iyo wasiirka cadaalada iyo xeer ilaalinta guud ee DDSI mudane c/Jamaal axmed qolonbi

Waxaana ugu horayntii ka hadlay furitaankii tababarka madaxa arimaha siyaasada ee XDSHSI mudane cumar maxamed oo ka warbixiyay jihooyinka horumarineed siyaasadeed  ee XDSHSI gaar ahaan xidhmaha horumarinta dhalinyarada iyo haweenka iyo waliba doorka ay dhalinyaradu ku leeyihiin hirgalinta horumar waaro oo aan soo noqod lahayn isaga oo si qoto dheer u sharaxay ahmiyada iyo ujeedooyinka tababarkan oo uu sheegay in ay tahay mid kor loogu qaadayo garaadka aqooneed siyaasadeed ee dhalinyarada degmooyinka deegaanka.

Dhankooda wasiirada adeega shacabka iyo kobcinta maamulka DDSI iyo wasiirka cadaalada iyo xeer ilaalinta guud oo ka hadlay furitaankii shirkaasi   ayaa sharax dheer ka bixiyay dadaalada muga leh ee ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii looga midho dhalin qorshyaasha koboca dhaqaalaha ee dalka iyo deegaanka loona gaadhi lahaa horumar buuxo oo dhinac kasta leh waxayna sheegeen in si loo tir tiro saboolnimada la xoojinayo abuuritaanka ilaha shaqada ee dhalinyarada iyo haweenka taasi oo guulo laga gaadhay hadana la sii xoojinayo.

Tababarkan oo socondoona mudo 2maalmood ah ayaa waxaa inta uu socdo dhalinyarada fahan buuxa laga siindoonaa barnaamijyada  siyaasadeed.dhaqaale ee XDSHSI iyo guud ahaanba sharciyada dalka