Ramadan Kariim 



 

      

Xafiiska Xoolaha Beeraha iyo Horumarinta Reermiyiga DDSI oo degmooyinka deegaanka u Raray dawooyinka iyo qalabka talaalka xoolaha.

Jigjiga(CN) 13 October 2015  Xafiiska xoolaha beeraha iyo horumarinta reer miyiga DDSI oo ka duulaya taabo galinta  meel marinta hirgalinta hayaanka qorshayaasha horumarineed iyo  kor u qaadida nolosha bulshada xoola dhaqatada ah iyo kuwa xoola dhaqato beeralayda ah ayaa wakhtiyadii ugu  danbeeyay  qaatay dadaal dheer oo lagaga midho dhalinayo hirgalinta qorshayaashasi.


Haddaba, wasiirku xigeenka xafiiska xoolaha beeraha iyo horumarinta reermiyiga DDSI mudane Cabdinuur Colow Axmed   oo warbaahinta deegaanka ugu waramayay  xafiiskiisa ayaa ka warbixiyay daawooyinka iyo qalabka talaalka xoolaha oo loo daabulayay degmooyinka deegaanka  wuxuuna yidhi  isaga oo ka waramaya arimahaasi” si loo sii xoojiyo korna loogu qaado noloshada  bulshada xoolo dhaqatada ah iyo kuwa xoolo dhaqato beeraleyda ah, islamarkaana loo tir tiro cudurada faafa ee aafeeya xoolaha nool ee isaga goosha masaafooyinka. Ayaa waxa uu xafiisku  dadaal culus ugu jiraa  hirgalinta qorshayaashii u yaalay ee lagu xaqiijinayo tayada caafimaadka xoolaha, waana markii ugu horaysya ee wakhtigan loo raro dawooyinka xoolaha deegaanka kuwaasi oo  iskugu jiraan qabalka talaalka xoolaha iyo daawaynta xoolaha deegaanka taasi oo  loo rarayo 68 degmo ee uu deegaanku ka kooban yahay lana gaadhsiindoona ilaa heer tuulo, Tuulo hoosaad”.


Waxaa kale oo uu wasiir ku xigeenku ka warbixiyay in xukuumada DDSI oo ka duulaysa  hirgalinta istaraatajiyadaha fidinta koboca dhaqaalaha deegaanka ay xooga saartay sidii bulshada xoolo dhaqatada ah iy kuwa xoolo dhaqato beeralayda ah kor loogu qaadilahaa dhaqaalaha noloshooda taasina ay  xudunta u tahay  xaqiijinta  gaadhida horumar buuxa oo dhinaca kasta leh. Waxaana taasi lagu hirgalinayaa ayuu yidhi masuulku iyada oo la adeegsanayo aalado cusub(technology) la jaan qaadaya kuwa caalamka horumaray ay adeegsadaan.


Haddaba si  hore loogu hirgaliyo qorshaha koboca dhaqaalaha ee jaan qaadka 2aad GTP2ga loona gaadho istaraatijiyadaha fulineed iyo horumar xawliya oo joogtaysan ayaa waxaa diirada la saaray kor u qaadida tayada xoolaha suuqgaynta iyo kobcinta wax soo saarka khayraadka beeraha.


Isku soo wada xooriyoo  waa markii ugu horaysay ee xilligan oo kale sanadka bilowgiisa   la gaadhsiiyo dawooyinka xoolaha 68da Degmo.9a Gobol iyo 4ta maamul magaalo taasina waxay markhati u tahay dadaalada hore u socdey ee ay xukumadu qaaday ee lagu xaqiijinayo tayada caafimaadka xoolaha deegaanka