Raisal wasaare Hailemariam Desalegn Oo Shir Shacabka Gobolka Sitti Ugu Qabtay Degmada Shiniile

Shiniile(CN) Arbaco 14ka October 2015, Shirwayne wada tashi ah oo dhexmaray shacabka gobolka Sitti ee DDSI iyo Raisalwasaaraha  dawlada federalka Mudane HaileMariam Desalegn ayaa saaka ka furmay xarunta gobolka sitti ee guriga shirarka degmada shiniile.
Shirweynahan ayaa yimid kadib dhibaatada abaaraha ee roob la'aantii gugu keentay iyadoo xukuumada DDSI iyo ta federalkuba ay dadaalo badan oo dhinacyada caafimaadka, biyo-dhaanka, calafka xoolaha, raashin deeq iyo caawimo isugu jira gaadhsiiyay shacabka ku nool goobaha dhibaatadu  saamaysay.

Hadaba shirweynahan ooy ka soo qaybgaleen mas'uuliyiinta ugu sareysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamud Cumar iyo wafti balaadhan uu hogaaminayo, mas'uuliyiinta ugu sareysa dawlada federalka oo uu hor kacayo Raisal wasaare Hailemariam Desalegn iyo waftigiisa iyo 500 qof oo shacabka gobolka sitti ah ayaa waxaa furay madaxweynaha ddsi.

Furitaanka shirkan ayuu madaxweynuhu u mahad celiyay dawlada federalka ah taageerada laxaadka leh ee ay had iyo goor lagarab taagan tahay guud ahaan shacabwaynaha deegaanka gaar ahaan shcabka gobolka Sitti ee abaaruhu saameeyeen. waxaa kale oo madaxwaynuhu u mahad celiyay maalqabeenada deegaanka gaar ahaan kuwa gobolka sitti, xafiisyada kaalinta wayn kaqaatay arintan sida: xafiiska caaafimaadka, biyaha, beeraha, Kahortaga masiibooyinka, maamulka gobalka iyo degmooyinka oo runtii shaqo fiican qabtay, isagoo madaxweynuhu  raaciyay intaa in raisal wasaaraha  dalka uu sadexdii bilood ee la soo dhaafay uu xooga saarayay arintan abaaraha oo uu qiimeyn jiray 7,aadkiiba mar gudiga abaaraha ee heer federal, kuwa deegaankana uu la soo hadli jiray. madaxweynaha ayaa ugu danbayn hadalkiisii ku soo gabagabeeyay in xukuumadu xooga saarayso xarumaha horumarineed oo dhamaan laga wada shaqaysiin doona islamarkaana xukuumadu samayn doonto biyo xidheeno, kooxda wareegta ee caafimaadka dadkana si fiican oo joogto ah uga adeegi doono aagaas.

Sidoo kale, odayaasha gobolka ayaa usoo bandhigay Raisal wasaaraha dalkeena itoobiya mudane Hailemariyam Desalegn inay bulshada gobolku si wayn ugu faraxday in dawlada federalka ah mas'uuliyiinteedii ugu saraysay ay wakhtigoodii qaaliga ahaa usoo hureen halkana maanta ufadhiyaan inay kala qayb qaataan bulshada dhibaatada saamaysay. had iyo jeera ay garab taagan yihiin iyadoo shacabku aad ugu mahadceliyay xukuumada federalka ah iyo ta deegaankaba oo iyadu runtii lawadaagtay noloshan ilaa heer tuulo hoosaad. iyadoo shacabku bogaadiyey ayay farxad daraadeed dareenkooda ku cabireen in abaartiiba maanta ay kabaxeen. waxayna ku dhaheen raisal wasaaraha mudane raisal wasaare horayna waan kuu dooranay maantana waan kusii dooranay adiga iyo madaxwaynaha deegaankaba.

Kadib ayuu Raisalwasaaruhu u sheegay shacabka in wadamada caalamka ee horumaray warshadahoodu qiiqa ay siidaayaan uu waxyeelo badan ugaysto cimilada wadamada soo koraya taasna ay sababto roob la'aan ay ka danbeyso abaaro. isagoo aad ugu mahad celiyay ganacsatadii u gurmatay shacabkooda, odayaasha iyo heerarka kaladuwan ee muwaaqirka dawlada deegaanka oo iyadu runtii nolosha lawadaagtay dadkii abaartu saamaysay. waxaa intaa dheer oo RW sheegay inay farxad galisay odhaahda "cadawgeena koobaad waa saboolnimo ee aan wada jir ula dagaalano" ee odayaashu gobolku sheegeen isagoo uga warbixiyey odayaasha inay dawlada federalka ahi hayso warbixinta abaarahan iyo qorshihii ay kaga saari lahaayeen shacabka gobolka dhibaatadan.

Ugudanbayna, raisal wasaaraha ayaa codsiyadii odayaasha ee ay kamidka ahaayeen: in lafuro ceelashii laqoday ee loogu talagalay masnooyinka beeraha in looga faaiidaysto, in wadada tareenku ay faaiido wayn uleedahay bulshada deegaanka iyo dalkaba gaarahaana bulshada gobolka balse ay jiraan caqabado ubaahan in lafuro sida: in loo sameeyo meelo xooluhu kagudbaan, in wadada oo meel ujirta degmada shiniile 7 kilomitir kaleexatay lagusoo leexiyo degmada, in geedka garan waaga layidhaahdo oo dhibaato meesha uu kabaxo uusan geed kale kabaxaynin ah wata deegaanka oo idilna kushaacay wax laga qabto iyo in lalasii socdo xaalada abaaraha maadaama lagalayo jiilaal.

Raisal wasaaraha ayaana kadib markii uu dhagaystay codsiyadan ugu jawaabay shacabka isagoo bogaadinaya hadaladoodii: in xili dhaw ceelasha lafuri doono, wadada tareenka ee leexatayna lagu soo celin doono inay dhexmarto magaalada, balse geedka garanwaagu uu dhinac fiicana leeyahay oo laga samayn doono laydh.