Ramadan Kariim 



 

      

Dawlada Federalka ah oo Sadex Wasiir ku Xigeen Magacawday

Shinile(CN) Arbaco 14 October 2015, sida lawada ogsoonyahay nidaamka dawlada federaalka ahi ku dhisantahay waa nidaam xisbiyo isku tagay oo uu ka mid yahay XDSHSI(xisbiga dimoqradiga shacabka somalida itobiya). iyadoo taa laga duulayo ayaa hogaaminta xisbigu shir ay yeesheen shalay waxay u direen dawlada federalka sadex wasiir kuxigeen si loo magacaabo.

hadaba ururka yehaadhiig oo ka jawaabaya codsigii xisbiga ayaa magacaabay
1. Marwo Ifraax Cali Muuse: oo ah Gabadh waxbaratey, karti, aqoon, iyo khibradba leh. kana mid ah xilibaanada heer federal ee deegaankeena ka soo jeeda haysatana shahaado master-degree ah ayaa loo magacaabay Wasiiro -Dawlaha Wasaarada Sayniska iyo Teknoolajiyada ee Federalka.
2. Marwo Farxiya Maxamed Cumer: oo ah Gabadh Degree ah lehna aqoon, karti, iyo khibrad dheer ayaa loo magacaabay Wasiiru-Dawlaha ka shaqaynaya Xafiiska Raysalwasaaraha
3. Mudane Axmed Shide: waxaa loo magacaabay Wasiiru-Dawlaha Maaliyada .

tanina waxay muujineysaa qorshayasha bilowga ah ee xuguumadu xooga saarayso awoodsiinta haweenka.
ugu danbeyna dhismisihii dawlada federalka ah saasuu ku dhamaadey. XDSHSI si weyn ayuu u soo dhaweeyay magacaabistaas.