Ramadan Kariim 



 

      

Macalimiin Loo Diray Gobolada Qaar Inay Imtixaankii kuliyada Lagu Xaroonayay Soo Qaadaan

Jigjiga (CN) Jamce, 16ka October 2015, Maareeyaha kuliyada Tababarka Macalimiinta ee Dr. Cabdimajiid Xuseen mudane Maxamuud Axmed Nuur oo xafiiskiisa ugu waramayay wariyaha shabakada wararka ee cakaaraNews ayaa ka warbixiyay kooxo macalimiin ah oo ay u kala direen 5 gobol oo ka mid ah gobolada deegaanka .

Wuxuuna sheegay maareeyuhu in ujeedada loogu diray kooxahan macalimiinta ah in ay   Gobolada degmooyinka deegaanka ka soo xulaan arday uxaroonaysa tababarka macalinimada sanadka 2008TI oo heer diploma ah taasi oo ay ka soo qaadi doonaan imtixaanka lagu xaqiijinayo tayadooda. Waxaana  imtixaankaasi lagu qaadi doono xarumaha gobolada loo diray macalimiinta kuliyada  oo kala ah Gobolka Jarar, Sitti, Nogob, Liibaan iyo Faafan iyada oo tirada ardayda imtixaanka lagusoo xulanayo ay noqonayso 1,100 arday.

Waxaa kale oo uu maareeyuhu sheegay in kuliyada macalimiinta oo xoojinayso nidaamka baris barasho korna u qaadaysa luuqa afsoomaliga ay sanadkan ku guulaysatay hirgalinta in waxbarashada lagu bixiyo luuqada afsoomaliga oo horey ugu bixi jirtay luuqada englishka taasi oo wakhtiyada qaar caqabad ku ahayd nidaamka  baris barasho maadaamo oo iskuulada 1,aad ilaa 8,aad lagu bixinayo luuqada afsoomaliga taasi oo ay adkayd isla jaanqaadkoodu