CIID MUBAARAK



 

      

Mashruuca Horumarinta Bulshada Xoolo dhaqatada ah (PCDP) oo Tababar u furay shaqaalaha ka hawlgala mashruuca

Jijiga (CN)16,October 2015 Waxaa ka furmay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI  tababar   uu soo diyaariyay mashuuca horumarinta bulshada xoolo dhaqadata ah pastoral community development project (PCDP) tababarkaasi oo ay ujeedadiisu ahayd  in fahan buuxa laga siiyo shaqaalah mashruuca habraacyada fulineed ee lagu hirgalinay mashaariicaha kala duwan ee uu ka hirgalinayo degmooyinka deegaanka mashruucani ayaa waxaa furitaankiisii ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa mashruuca oo uu ka mid yahay maareeyaha mashruuca horumarinta bulshada xoolo dhaqatada ah mudane mustafe Deeq Cabdisalaan.

 furitaankii tababarka ayaa waxa ka  hadlay maareeyaha marshuuca mudane mustafe deeq cabdisalaan oo ka   warbixisay ujeedada kulankaasi iyo ahmiyada uu mashruucani u leeyahay guud ahaanba horumarinta iyo kor u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha  deegaanka wuxuuna  tilmaan dheerka bixiyay ka bixiyay meelaha uu mashruucani diirada saarayo gaar ahaan habnololeedka bulshada xoolo dhaqatada ah  iyo waliba waxqabadkii rubicii 1aad ee mashruucan oo uu tilmaamay in guulo waawayn laga soo hooyay waxaa kale oo uu sharax dheeer ka bixiyay aqoonta tababarkan mudada uu socdo lagu qaadan doono,
isku soo wada duub oo mashruucan  horumarinta bulshada xoolo dhaqadada ah oo ka hawl gala 54 degmo ayaa tan iyo intii la aas aasya wax wayn ka qabtay hirgalinta qorshayaasha horumarineed gaar ahaan xoojinta iyo kor u qaaadida nolosha bulshada xoolo dhaqaatada ah ee deegaanka. Wuxuuna tababarkani   socondoona mudo 10 maalmood ah